Saxilnews.com
Puntland Oo Xukuno Kala Duwan Ku Riday Shan Ruux Oo Ka Tirsan Ururka Daacish
November 20, 2016 - Written by Abdisalaan Harir
Garoowe(Saxilnews) Maxkamadda ciidamada Putland ayaa maanta magaalada Bossaso waxay xukunno dil ah iyo xabsi daain ah ku xukuntay 5 qof oo ay maxkamaddu sheegtay in lagu helay inay ka tirsan yihiin maleeshiyada Daacish taageersan ee ku sugan gudaha Puntland.

Maxkamadda ayaa dil toogasho ah ku xuntay Axmed Aaden Cabdullaahi iyo Cabullaahi Maxamed Aaden Cabdi.

Sidoo kale waxa ay maxkamaddu xabsi madaxaa haku furto ah ku ridday Saalax Xuseen Ibrahim iyo Cabdifataax Jamaal Cabdi.

Maxkamadda ayaa Farxaan Cabdullaahi Faarax oo la sheegay in ay da’diisu ka yar tahay 15 sano amar ku bixisay in lagu wareejiyo wasaaradda cadaaladda ee maamulka Puntland.

 

COMMENTS
Latest News