Ololihii Maanta Ee Muuse Biixi Iyo Kulan Aan Midho dhalin Oo Uu La Yeeshay Marwadda Madaxweynaha

0
25

Hargeysa (SAXILNEWS)_Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi , ahna Murrashax u tartamaya jagadda Murrashaxanimada madaxweynaha ee xisbiga , ayaa ku guul-darraystay qorshe uu ku doonayay in madaxweyne Siilaanyo uu kaga reebo saddexda murrashax ee la tartamaya.

Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu ka cadhooday hadalkii Madaxweynuhu ka sheegay madaarka markii uu Isniintii ku soo laabtay dalka ee ahaa in xisbiga talladda haya lagu tartami doono. Intaas ka dib waxa uu sii diyaarsaday inuu ururiyo xubno ka soo jeeda Beelaha Subeer awal oo uu yidhaahdo waxa beeshaasi ii doorteen inaan noqdo Murrashaxa kaliya ee ay isku raacsan yihiin, balse arrintaasi waxay noqotay filim u shaqeyn waayay mar haddii Madaxweyne Siilaanyo uu caddeeyay in xisbiga KULMIYE si dimuqraadi ah loogu tartami doono .

Ilo looga qaateen ah ayaa xaqiijiyay in uu saaka Murrashax Muuse Biixi kulan la yeeshay Marwada madaxweynaha Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde oo uu ka dalbaday inay madaxweynaha ka dhaadhiciyaan in laga reebo murrashaxiinta isla soo taagtay, maadaama oo sida la sheegay uu ku dooday inuu yahay murrashaxa xaqa u leh in duuduub lagu doorto.

Warku waxa uu intaasi ku daray In Marwo Aamina Waris ay si cad ugu sheegtay Guddoomiyaha KULMIYE inuu iimaansado oo uu galo tartan dimuqraadi ah oo xisbiga dhexdiisa ka dhaca, waxaanay u qadintay maadaama oo uu madaxweynuhu ummadda u caddeeyay in xisbiga lagu tartamayo aanu haddana qaadi Karin tallaabooyin burinaya balan-qaadkiisaas oo ah sida kaliya ee badbaadada KULMIYE ku jirto.

Waxa la sheegay inuu Muuse Biixi ka xumaaday hadalka ka soo yeedhay Marwadda Madaxweynaha oo uu markii hore quudaraynayay inay isaga la safan tahay.

Sidoo kale, maanta illaa shalay waxa uu qaban qaabinayay Guddoomiye Muuse Biixi inuu abaabulo odayaal ka soo jeeda Beelaha Subeer Awal oo ka doonayay inay qabtaan shir jaraa’id oo ay ku caddeynayaan inuu yahay Murrashaxa Beelaha Subeer Awal ee xisbiga KULMIYE, arrintaasi oo iyana uu u waayay taageero mugleh.

Dhaqdhaqaaqyadda socda ee xisbiga KULMIYE waxa ay u eg yihiin in Guddoomiye Muuse Biixi uu dhabqiyay tartankii xisbiga dhexdiisa oo uu ka dhigay mid ardaayaysan, isagoo illaa imika aan wax taageero ah ka haysan beelaha darafyadda iyo ardaayo waaweyn oo ka soo jeeda beesha dhexe. waxaanay tallaabooyinkiisu u muuqdaan inuu hoonku kaga dhagay kaliya inuu ku tiraabo “BEELAHA HABAR AWAL AYAAN HAYSTAA.” Iyadoo uu u muuqdo inaanu xaalaynaynin beelaha kale.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here