Saxilnews.com
“Muuse Biixi isaga Ayaa Xisbiyada Mucaaaradka ah Burburinaaya, Kana Yeeli Maayo in uu Xisbigayga igu Dul Burburiyo.”.Faysal Cali Waraabe
November 20, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa(Saxilnews):-Khilaaf in muddo ah huursanaa oo u dhaxeeyey xulufada siyaasaddeed ee guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyaha Xisbiga UCID Inj.Faysal Cali Waraabe, ayaa dibadda u soo qarxay ka dib markii uu Muuse Biixi isku dayey in uu la maamulo soo xulista cidda Murashaxa Madaxweyne ku xigeen u noqonaysa Xisbiga UCID iyo weli ba in uu cid gaara ku wareejiyo guddoomiyenimada Xisbigaasi.
Illaa hada ma jiraan warar amuurtan la xidhiidha oo ka soo baxay dhanka guddoomiyeyaasha balse sida ay noo xaqiijiyeen dad goob-joogeyaal ah, ayaa caddeeyey in uu Faysal Cali Waraabe uu ku tiraabayey hadalo macno ahaan soo gudbinaaya in uu saluugsan yahay qaabka siyaasaddeed ee uu wax u wado guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, waxaana sida ka muuqata hadalka la soo tebiyey in weli Muuse Biixi uu ku taagan yahay siddii uu Faysal Cali Waraabe ugu dul maamuli lahaa Xisbiga UCID.
“Muuse Biixi isaga ayaa xisbiyada mucaaaradka ah burburinaaya, kana yeeli maayo in uu xisbigayga igu dul Burburiyo, ana aniga ayaa xor u ah cidda aan murashax madaxweyne ku xigeen iyo guddoomiyaha Xisbiga UCID ba aan u dooranaayo.”.Ayuu ku tiraabyey Faysal Cali Waraabe oo ku sugnaa Hargeysa.
Hada ba sida ay xoggo dheeri ah ku helayso Warbaahinta Heegannews, ayaa sheegaya in guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi uu ka biyo diiday qorshe siyaasaddeed uu wato Faysal Cali Waraabe kaasi oo u dhisan in uu Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbigaasi uu ka dhigo nin ka soo jeeda beelaha Makaahiil/Sama-roon, halka uu guddoomiyaha Xisbiga UCID na uu doonaayo in uu ku wareejiyo nin ka soo jeeda beesha Bariga Burco , waxaana muran badan iyo doodo adag oo socday muddo dheer ay noqdeen kuwo ay isku seegaan Muuse Biixi iyo Faysal Cali Waraabe, iyada oo si gaara uu Muuse ugu dooday in uu Faysal Cali Waraabe ka reebay Jamaal Cali Xuseen isla mar ahaantaana ay xilliga na mudan tahay in uu Faysal raaco qorsheyaasha siyaasaddeed ee uu KULMIYE u soo dejiyo, balse Faysal Cali Waraabe ayaa ku adkaystay in aan mar dambe looggu dul talin doonin Xisbiga UCID.
Illaa hada lama ogga halka uu sal dhigan doono khilaafkan ka dhex qarxay Muuse Biixi iyo Faysal Cali Waraabe, waxaana la saadaalinayaa in Faysal Cali Waraabe iyo Muuse Biixi uu maalmaha soo socda dhex mari doono dagaal aad u adag afka ah.

COMMENTS
Latest News