Saxilnews.com
Musharaxa Sawirka Jecel Ee Xisbiga Waddani Oo Qaysaska Abaartu Ku Hayso Gobolada Bari Kala Soo Daalay Sawiro Uu Ollalaha Ku Galo Iyo Dareenka Bulshadu Ka Bixisay.
November 15, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

:-Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani iyo sidoo kale Hogaamiyaha xisbigaasi oo safar indho indhayn ah ugu baxay Gobolada Bari ee Abaarta ba,ani ka jirto ayaa waxa ay bulshada Somaliland aad ula yaabtay sawiro ay iska soo qaadeen labadaasi masuul oo meel kasta oo ay cagta dhigaan isku sawiraya dadka maatida ah ee u baahan gar-gaarka.

sawiree

Inkasta oo ujeedka socdaalkooda lagu sheegay in uu yahay mid ay dadkaasi ku gaadhsiinayaan cunooyin hadana waxa ay bulshada dareenka leh ee Somaliland iyo Somaliyeedba liqi kari waayeen Sawiro si joogto ah looga soo daaqayo Gudoomiye Cirro meel kasta oo Dadkaasi uu wax ku siinaayo,

Barashaha bulshadu ku kulanto ayaa aad loogu falan qeeyey sawirada noocaas ah iyada oo dadka badidoodu ay aad ula yaabeen kuna tilmaameen Gudoomiyaha Xisbiga Waddani C/raxmaan Cirro nin Ollale Siyaasadeed ka da,yaaya bulshadii Maal qabeenka ahayd Bilo ka hor ee Lahayd Geelle,Adhiga iyo Lo,da balse wakhtigu ku xumaaday isaga oo sawirada inta badan uu la soo galay ay yihiin kuwa uu dadkaasi u qaybinaayo Roodhi Qarax ah.inkasta oo ay u baahan yihiin Dadku hadana waxa meesha aan qaban sawirka iyada oo sidoo kale Alle Subxaanaha Watacaalaa uu Ina amray in Saqada marka la bixinaayo aanay ogaan Gacantaada Bidix.

Marka ls isku soo wada geeyo arinka Xisbiga Waddani ayaa noqday Mid ku soo afmeerma meel kasta oo uu joogo Gudoomiye iso eeeg aan Sawir kaaga qaade Waxan aad qabanayside,iyada oo nusqaan ku noqotay C/raxmaan Cirro Sawirada ay ka soo daabulayaan shakhsiyaad ay isku deegaan ka soo jeedaan oo inta badan u qaabilsan qaaditsa Sawirada noocan oo kale ah.

 

COMMENTS
Latest News