Saxilnews.com
Musharax Cabdiraxmaan Cirro Oo Cisbitalka Hargeysa Ku Soo Booqday Dad Dhaawacyo Ka Soo Gaadheen Rasaas Ku Qaraxday Iyaga Oo Ku Sugan Balli-Gubadle +Sawiro
February 9, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa(Saxilnews)):- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa MadaxweynahaXisbigaasi Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta dhakhtark weyn ee Hargeysa ku soo booqday dad tiro badan oo xili raashin looggu qeybinaayey magaalada Balli-gubadle ay dhaawacyo ka soo gaadheen rasaas ku qaraxday awgeed iyo weli ba sida oo kale dad kale oo tira badan oo xaalad caafimaad u jiifay dhakhtarkaasi.

Image may contain: 4 people, people standing

Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ay wehelinaayeen siyaasi Cabdi Haybe, Jamaal Xuseen Hurre, Mujaahid Iid Jiciir iyo weli ba sida oo kale mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Xisbiga WADDANI, ayaa ugu horreyn mid mid u soo booqday una soo dul istaagay dadkii xaaladda caafimaad ujiifay dhakhtarka, waxaana uu ka xaal waraystay xaalkooda caafimaad iyaga oo u sheegay in ay hada aad u fiican yihiin sida oo kale na ay ka soo reynayso xaaladdooda caafimaad, waxa kale oo halkaas dadkii kale ee iyaga na uu ku soo booqday ay dhammaantood ba u xaqiijiyeen in xaaladda caafimaad ee ay ujiifaan dhakhtarka weyn ee Hargeysa ay tahay dhaawacyo ka soo gaadhay shilal kala duwan oo gaadiid.

 

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Cirro, ayaa isna dhankiisa waxa uu caafimaad sareecan ah uu Alle uga baryey dadkaas bukaanka ah ee uu ku soo booqday dhakhtarka weyn, isaga oo sida oo kale na warbaahinta u sheegay in uu Xukuumadda ugu baaqayo in ay wax ka qabato shilalka gaadiidka sida oo kale ay ka hawl-gasho siddii loo yarayn lahaa shilalkaasi maadaama dadka ugu tira badnaa ee uu soo booqday ay ahaayeen dad ka cabanaayey dhibbaato iyo dhaawacyo ka soo gaadhay shilal kala duwan oo gaadiid.

Image may contain: 5 people, people standing and outdoor

Image may contain: 5 people, people standing, shoes and outdoor

Image may contain: 3 people

Image may contain: one or more people and people sitting

Image may contain: 2 people, people sitting

Image may contain: 2 people, people standing

Image may contain: 5 people

Image may contain: one or more people, people standing and wedding

Image may contain: 2 people, people standing and outdoor

 

COMMENTS
Latest News