MUJ: CALI XOOR XOOR MAAHA GUDOOMIYE XISBI GOBOL IYO DEGMO MIDNABA WAANA SHAQSIGA KALIYA EE BULSHADA SOMALILAND U SIMAN TAHAY SHAQADIISANA HANTAY

0
16

Hargaysa (Saxil News.com)-Guddoomiyaha 3(sadexaad) ee xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee UCID muj: Cali Guray ayaa hadal cadho shaqsiyadeed ka muuqato ku weeraray maareeyaha dekeda Berbera Eng: Cali Cumar Max’ed, muj: Cali Guray ayaa qarsan kari waayey nacayb huursanaa oo uu u qabay Eng: Cali Xoor xoor kuna eedeeyey eedeeymo aanu cadayntooda sheegin, isla markaana ku matalay nin isagu Gobolka Saaxil ka taliya kuna amar taagleeya.

Sidoo kale mujaahid Cali Guray oo ay ka muuqato cunsuriyad iyo caadifad u cidaysan kana cadhooday sida hadalkiisa ka muuqatay koox dhalinyaro ah oo xisbiga UCID ka baxday oo KULMIYE ku biirtay ayaa waxaan odhan lahaa caliyow qodhaa iyo xeradaa naftaada xaal sii oo Eng: Calina xaalsii.

Ugu horayn Eng: Cali xoor xoor ma aha guddoomiye gobol, mana aha guddoomiye degmo, mana aha guddoomiye xisbiga kulmiye ee Gobolka Saaxil shaqadiisuna ma aha mid sida aad sheegtay ah inuu dhalinyaro UCID ka soo baxday xaflad u qabto ee waa maareeyaha dekeda Berbera Eng: Cali Cumar Max’ed waxaanu xilkaa weliba heyey mudadii Somaliland jirtay intii ugu badnayd ilaa xukuumadii marxuun Cigaal ilaa xukuumadan Muj: Axmed Siilaanyo ku darsoo mudadaa marka laga jaro laba sano intii kaleba isagaa sadexdii madax wayne ee Somaliland soo kale xukumaayey shaki la’aan isku qanciyeen inuu yahay shaqsiga kaliya ee masuuliyad intaa leeg hanan kara iskuna wadi kara bulshada ka hawl gasha bulshada dekeda Berbera muruq-maal, shaqaale, gancsato iyo horumarinta iyo dismaha dekeda Berbera waxaa kaloo mujaahidka leeyahay Eng: Cali Xoor Xoor waa shaqsiyada kaliya ee masuuliyad qaran hayee ee ay bulshada somaliland bari iyo galbeed u siman tahay si isku mid ahna u qaabilaya aan qof jeclaysi lagu arag.

Gabagabadii iyadoo aynu ognahay xaalada xisbiga UCID inay ku kooban tahay xarunta dhexe iyo Hargaysa oo arinka UCID marayo (IDAA KASARA DABAAKH FASAHADA MARAQ) umada inta taabacsanina ka dhursugayso kaliya halka uu ku dembayn doono khilaafka huursan ee hogaanka xisbiga UCID iyo sharciyada lagu shuraakoobay ee Faysal iyo Jamaal waxba sxb dadka kale ha u haliilin

xag xagashadooda. Dhalinyarada reer saaxil ee ka digo rogatayna wuxuunbay ka mid yihiin dadka maalin walba ka sii baxaaya UCID kuna biiraya halka ay doorbidaan.

Sidaa darteed inta aad Cali xoor xoor maxkamada u furayso waxaa ka qurux badan inaad ka hawlgashaan sidii aad u midayn lahaydeen sadexda fikir ee ay 3 masuul ee UCID ku kala duwan yihiin mid kastaba meel uga hadlayo wuxuu doono ucidna sidaas ayaa u dana iyo inaad u hawl gashaan sidii aad u soo noolayn lahaydeen xisbiga UCID.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here