Saxilnews.com
MUDANAHA MA TIRSANAHA AH EE GOLAHA DEEGAANKA HARGEISA Qalinkii:maxamed Aadan Seed
August 23, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cago wayne) waa Xildhibaan ka tirsan golaha deeganka Hargeisa waxaana uu ka mid ahaa xildhibandii sanadii 2012kii dabayaaqadiisi laga soo doortay Caasimada Hargeisa isagoo ka soo baxay Degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge kala fadhigii uggu horeeyey ee Golaha Deeganka Hargeisa yeeshen waxa loogu doortay inuu noqdo Maayar ku xigeenka Caasimada Hargeisa Maayar Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cago Wayne) mansabkaasi loo doortay in badan oo ku hanwaynayd inuu wax badan soo kordhiyo isaga iyo 24ka dhalin yarada ah ee bulshada Hargeisa iska soo xushay waxay noqdeen kuwo fadhiida oo aan ka soo bixin hawsha loo igmaday. Waxaanu maayirku xigeenkani sheegay markii xilka loo dhaarinaayay, inuu wax badan ka qaban doono hawlaha shaqo ee u yaala ee dhanka caasimada, waxna uga qaban doono baahiyaha aasaasiga ah xaafadaha uu ka soo baxay ee sida Maxamuud Haybe iyo Maxamad Mooge oo qaba labadaasi Degmo baahiyooyin ka badan tan ay qabaan degmooyinka kale ee Caasimadu. Mudane Cabdicasiis Cagowayne ereyo badan oo laga guntay xilligi uu tartanka ugu jiray kursigani waxa lagu xasuusta balan qaadyo badan oo dhamaantood noqday hal bacaad lagu lisay oo aanu waxba ka soo qaadin,iyo sidoo kale erayo Naax Naaxsan oo uu ku beerlaxawsan jirey Dadka uu Codka Ka Doonayo inkasta oo ay dib ka ogaadeen in waxaas oo hadalo ah ay ka keenayso Fudaydka Shaqsinimo ee uu u dhashay oo mar danbe soo shaac baxday. Arintaasi oo guud ahaanba mar danbe bulsho wayntii soo doortey u cadeysay in maayirku xigeenkan iyo masuulka dhigiisa ah ee ka sareeya uu arinkoodu ahaa na doorta doorta na doorta aanu dam idinka siine hase ahaate aanay habeena ku seexan habeena ku soo toosin sidii ay umadan wax ugu qaban lahaayeen. Waana mid ayaan daro ah in maanta ninka maayirku xigeenka ah, ee caasimada Hargeysi lala baryo shaqadii ay umada iyo qarankuba u doortay. Iyada oo maalmihii ugu danbeeyay baafin loogu jiro maayirka iyo ku xigeenkiisa, oo badi ay dadweynaha caasimada Hargeysi ay hadal hayaan ka maqnaanshiyaha iyo ka muuqasho la,aanta xaruntii dawlada hoose ee ay shaqada ka hayeen Waxanay taasi ku tusaysaa sida maanta goob kasta iyo degmo kasta oo magaalada Hargeysa uu xashiishku u buux dhaafiyay, iyo iyada oo magaalada Hargeysi ay noqotay barkad biyuhu ay fadhiistaan oo gabi ahaanba ay wada gog,lan yihiin wadooyinkii caasimada Hargeysi. Waxa xusid mudan in dhawaan la arkaayey xildhibaanada oo is daba ordaya sheegayna in ay dalka keensadeen qalab ay lahaayeen waxaanu ku dayactiraynaa wadooyinka caasimada, hase ahaate waxaa isweydiin leh halkee ayuu ku danbeeyay qalabkii loogu talo galay dayactirka wadooyinka burbursan ee caasimada Hargeysi. Qaybta Labaad Waxaynu Ku eegi Doonaa Halkuu Ku Danbeeyey Balanqaadkii dhimaha Wada Madaarka Oo Dhawaan La Bur Buriyey Dhismayaashii iyo Hantidii Ku Xeernayd Iyo Cida Dabada Ku Haysa Qabyadaasi La Soco Qaybta Labaad Maqaalkani…….

COMMENTS
Latest News