Saxilnews.com
MUDANAASHA AQALKA WAKIILADA OO MARKII AY MOOSHINKII DP WORLD KABAHA KA SUBKADEEN AAN FADHIYADA KA SOO XAADIRIN + XEERARKA SUGAYA
August 27, 2016 - Written by cali abdilaahi

Hargeisa (Saxilnews.com) – Golaha wakiilada Somaliland ayaa maalintii shanaad u furmi la’ Tirada xildhibaanada oo aan gaadhsiisnayn halkii la rabay.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Aqalka wakiilada oo maalmo uun ka hor ansixiyay heshiiskii xukuumadda Kulmiye iyo shirkada DP Word ee ku saabsanaa maal gelinta dekeda berbera, ayaa wixii ka dambeeyay maalintaasi aanay intooda badan dib ugu soo noqon golaha.

Ma jiro fasax ay ku jiraan hasayeeshee wax alas heegay in ay barkinta dheereysteen, ka dib markii ay qaateen intooda badani kharashaadkii ay ku ansixiyeen mooshinkaasi.

Golaha oo ay hadda u taalo shaqo culusi isla markaana ay yaalaan xeerar ka soo noqday madaxtooyada oo la rabo in ay ansixiyeen ayaanay hadana mudanayaasha aqalkaasi soo cago dhigan aqalkooda.

 

COMMENTS
Latest News