Saxilnews.com
Mr Kim hogamiyaha waqooyiga koria oo amray isu diyaarin dagaal
August 21, 2015 - Written by admin
Xuduudda labadan dal ayaa xeyndaab uu ku xiran yahay

Waqoyiga Koria (Saxilnews)-Hogaamiyaha Waqooyiga Koria Kim Jong-un ayaa amray in ciidamadiisa jiidda hore ku sugan ay dagaal isu diyaariyaan iyadoo sare ay usii keceyso xiisadda kala dhexeysa Koofurta Kuuriya.

Ciidamada labada dal ayaa shalay madaafiic aad u culus isku dhaafsaday xuduudda dhisan.

Warbaahinta dowladda ee Waqooyiga Kuuriya ayaa baahisay in Mr Kim uu ku dhawaaqay kullan degdeg ah oo dagaal ka looga hadlo.

Xukuumadda Pyongyang ayaa isticmaasha luqad aad u adag xilliyada ay iskudhecyada kala dhexeeyo Koofurta Kuuriya.

Laakiin dadka wararka lafagura waxa ay sheegayaan in markastaa halis ay tahay in dagaalka militariga ee labadan dal u dhexeeya ayna xaaladda sii xumeyneyso.

Madaafiicda la isdhaafsaday waxa ay bilowdeen kaddib markii Waqooyiga Kuuriya ay riday gantaal ay uga jawaabeysay dacaayad ka dhan ah Shuuciyadda oo ay baahiyeen warbaahinta Kuuriyada kuwaas oo la mariyay sameecado aad u qeylo dheer.

 

 

 

maxamed xasan aadan

 

 

saxilnews005@gmail.com

 

 

head office berbera

COMMENTS
Latest News