Mintidiin lagu xiray Spain iyo Morocco

0
17
 
Ururka isku magacaabay Khilaafada Islaamka ayaa waxaa ka tirsan dagaalyahanno badan oo Reer Galbeed ah.

Spain (Saxilnews)-Dalalka Spain iyo Mareykanka ayaa xiray 14 qof, kaddib markii ay ciidammada dalalkaasi sameeyeen howlgal wadajir ah oo ka dhan ah kooxo looga shakiyay in ay dadka u qoraan ururka isku magacaabay Khilaafada Islaamka.

Dadka la xiray ayaa laga qabtay deegaanno ku dhow caasimada Madrid iyo goobo ku yaalla Morocco.

Boqolaal ah muwaadhiniinta Morocco ayaa ku biiray ururkaasi ka dagaallama Ciraaq iyo Suuriya.

Todobaadkii lasoo dhaafay, muwaadhin Morocco u dhashay, oo sanado ku noolaa dalka Spain, ayaa isku dayay inuu weerar ka fuliyo tareen kuwa xawaaraha dheer ah oo marayay dalka Faransiiska.

Shaqo la’aanta ka jirta Morocco ayaa la sheegaa in qaar badan oo dhalinyarada dalkaasi ah ay ku kalifto in ay ku dhiiradaan ku biiridda ururada xagjirka ah. Balse dowladda dalkaasi ayaa wadda dadaalo ay dhibaatadaasi wax uga qabaneyso.

 

 

maxamed xasan

 

 

 

saxlnews005@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here