Saxilnews.com
Militariga Israa’iil oo daadgureeyay kooxaha loo yaqaano kofiya cad ee dalka Suuriya
July 22, 2018 - Written by editor
Xubnaha koofiya cad ayaa ka howlgalaa magaalada Aleppo ee waqooyiga SuuriyaLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionXubnaha koofiya cad ayaa ka howlgalaa magaalada Aleppo ee waqooyiga Suuriya

Israa’iil ayaa bilaawday daadguraynta kooxda ka shaqayso badbaadinta shacabka dagaallada ay ragaadiyeen ee dalka Suuriya.

Ciidammada difaaca Israa’iil ayaa sheegay in Mareykanka iyo dalalka Midowga Yurub ay horraan ka codsadeen inay soo daad gureeyaan kooxaha caawiya shacabka Suuriya.

Dad gaaraya 422 qof ayaa loo daadgureeyay dhulka ay Israa’iil ay haysato ee buuraha Golaha Heights, sida ay ku warrantay warbaahinta Israa’iil.

Kooxahan loo yaqaano koofiya cad ayaa ka howgalayay deeganada ay haystaan kooxaha mucaaradka ee koonfur galbeed dalka Suuriya kuwaaso ku go’doonsanaa duqaymaha ay wadaan ciidamada dowladda.

Ciidamada Israa’iil waxay sheegeen inay soo gabagabeyeen dadaalada ay ku soo daadguraynayaan kooxaha badbaada iyo qoysaskooda oo khatar ku jirtay noloshooda.

“Israa’iil waxay weerar ku qaadday Suuriya” TV-ga Suuriya

Iiraan oo gantaallo ku garaacday fariisimo ay leedahay Israa’iil

Afahayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa’iil ayaa xaqiijiyay in dadka laga soo daadgureeyay dalka Suuriya ay yihiiin kooxaha kofiya casta iyo qoysaskooda balse ma uusan xaqiijinin dalka qaabili doono dadkani.

Kooxahan loogu yeero koofiya cad ayaa isku tilmaamaa inay yihiin kooxo isa soo xilqaamay oo ka shaqaynaya badbaada shacabka ku dhibaataysan dagaallada Suuriya.

Si kastaba, dowladda Urdun waxay xaqiijisay in Qaramada Midoobay ay fartay in dad gaaraya 800 oo Suuriya u dhashay ay ka gudbaan dalka Urdun sii dib u dejin ay uga helaan dalalka reer galbeedka

COMMENTS
Latest News