Miisaanka Khilaafka Ka Dhex-Qarxay Xisbiga UCID,Madaxdii Kale OO Lakala Safatay Dhinacyadda Is-haya Iyo Saamaynta Siyaasiyiinta

0
24

Hargaysa (SAXILNEWS)_Khilaafkii ugu cuslaa,ayaa ka dhex-qarxay Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID tan iyo markii dib loo furay Ururadda Siyaasadda iyo Xisbiyadda,taas oo uu Xisbigu Kaalinta Saddexaad kusoo baxay Doorashadda Golaha Deegaanka ee Dalka ka qabsoomtay Sannaddii 2012-kii.
Khilaafkan,ayaa waxa uu hadda dhex-miranayaa Musharaxa Jagadda Madaxweynne-nimo Iyo Gudoomiyaha Xisbiga,waxaana la sheegayaa in Madaxda kale ee Xisbiguna la kala safan-yihiin dhinacyada is-haya.
Khilaafkan,ayaa ka danbeeyay ka dib markii Gudoomiyaha Xisbigu Eng. Faysal Cali Waraabe uu su’aal galiyay taageeradda uu u hayo Musharaxiinta Xisbigiisa ka sharaxan,kuwaas oo sheegay inay yihiin qaar aan Xisbiga guul usoo hoynayn,taasina ay shaqsi ahaantiisa ku qasbayso inuu Taageerayaasha xisbiga ugu baaqo inay Codkooda siiyaan Musharaxiinta kale ee ka sharaxan Xisbiyadda kale ee Dalka jira.Waxa hadalkaas si Kulal uga jawaabay Musharaxa Jagadda Madaxweyne-nimo ee Xisbiga,waxaana uu sheegay inuu gudooniyuhu Carqalad ku hayay Hanaanka Xisbiga,waxaana uu intaas raaciyay inay suuragal-tahay inay Shir-weyne aan caadi ahayn ay iskugu yeedhi doonaan Xisbiga,taas oo ay Maamul-ka-xayuubin ku samayn doonaan Hogaanka Xisbiga.
Ayaa soo socda,ayaa la filayaa inuu Khilaafka Xisbigu Wajiyo kale yeesho,waxaana soo if-baxaysa saamayn toga nee Curashadda khilaafka ay ku leeyihiin Siyaasiiyiin damac xoogan leh,kuwaas oo hadday sheedda ka daawanaya Siyaasadda Dalka oo hungi xoogani ka hayo Hogaanka sare ee Dalka.

 

 

 

MAXAMED ILKACASE 

 

HARGEISA OFFICE

BERBERA2002@GMAIL.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here