Mid Ka Mida Cuqaasha Gobolka Sanaag Oo Bulsha-weyn Reer Somaliland Usoo Bandhigay Cadaalad Darro Baahsan Oo Xukuumada Silaanyo Kooxto Ugu Xidhay Beesha Madaxweyaha Dhamaan Xilalkii Dawliga Ahaa Ee Heer Gobol iyo Heer Degmo-ba

0
16

Mudane Madaxweyne Beeshaadan Kusoo Duushay Gobolka Sanaag Hadaad Wax Ka Qabanweydo Madaxtooyadaanu Kuugu Soo Gali. :-Cheaf Caaqil C/laahi Cabdalle Ismaaciil

 

Anigoo ah Cheaf Caaqil C/laahi Cabdalle Ismaaciil kana mid ah cuqaasha guunka ah ee Gobolka Sanaag waxaan maanta halkan uga iftiiminayaa Ummada Reer Somaliland in Madaxweynaha iyo reerkiisuba y kusoo duuleen Gobolka Sanaag isla  markaana ay u tashadeen sidii ay u qabsan lahaayeen Gobolka Sanaag  iyo Maamulkiisaba .

Hadaba waxaanidiin soo bandhigayaa tan ay  wadaan Madaxweynaha iyo reerkiisu inay tahay tii lagaga hoor yimi Dawladii Siyaad Barre  maxaayeelay Madaxweynaha iyo Xukuumadiisu waxay usoo Magacaabeen  Mamulka Gobolka Sanaag xililkiisii ku dhawad Sodon Masuul oo kasoo Wada jeeda Beesha Habar-jeclo ee Madaxweynuhu kasoo jeedo kuwaasoo kala ah

1.Badhasaabka Gobolka                                            = Habar-jeclo

2.Taliyaha Qaybta        Gobolka                                = Habar-jeclo

3.Taliyaha Ciidanka Asluubta                                   = Habar-jeclo

4.Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka                    = Habar-jeclo

5.Gudoomiyaha Maxkamada Degmada                 = Habar-jeclo

6.Xeer Ilaaliyaha Gobolka                                           = Habar-jeclo

7.Xoghayaha Gobolka                                                  = Habar-jeclo

8.Isku Duwaha Wasaarada Caafimaadka               = Habar-jeclo

9.Isku duwaha Waxbarashada Gobolka             = Habar-jeclo

10.Isku Duwaha Was.Biyaha                                = Habar-jeclo

  1. Isku Duwaha Wasaarada Warfaafinta = Habar-jeclo

12.Xisaabiyaha Gobolka                                     = Habar-jeclo

13.Maamulaha Kastamka Ceerigabo            = Habar-jeclo

14.Maamulaha Kastamka  Maydh                   = Habar-jeclo

15.Maamulaha Kastamka Xiis                          = Habar-jeclo

16.Maamulaha Kastamka Shalcaw                      = Habar-jeclo

17.Isku duwaha Was Macdanta Gobolka    = Habar-jeclo

18.Maamulaha Madaarka Ceerigaabo               = Habar-jeclo

19.Iskuduwaha Wasaarada Kaluumaysia    = Habar-jeclo

20.Maamulaha Kaluumaysiga Xiis                    = Habar-jeclo

Hadaba waxa aan Bulshada reer Somaliland guud ahaa halkan ugu bayaaminayaa in saamigii Beelaha kale ee deegaanka Gobolkani gabi ahaanba Xukuumadan Silaanyo ka duudsiday taasoo keeni doonta falal ka hor imanayaa Amaanka.

Maahmaah Soomaaliyeed ayaa waxa  tidhaahdaa nin casarkii iska waramay Cishihii ceebi ma qabato oo aan uga jeedo in reer Ummad Gobolka dhan degan kusoo duuloo oo uu dusha ku qaato Masiirkoodii oo uu ku xukumo maaha mid dhacaysa oo aan kaa aqbalayno,hadaad sidaa wax ka bedeli weydana waxaanu magacaaban kuwo beelaha wada degaa u dhan yihiin .

Waxaan Marlabaad ka Dhawaajinayaa in xilalkaa aan kor kusoo xusay beelaha kale ee ka maqani ay degdeg isaga yimaadaan oo ka tashadan arintan talaabadi  lagaga jawaabi lahaa

Mudane Madaxweyne waxan hadalkayga  kuugu soo ururinayaa reer Sanaag sida suldaan Wabar buuraha  galimaayaane Madaxtooyadaan Daaqada kaaga Soo gali doonaa hadii aad si degdega wax uqaban weydo arintan

 

 

 

Alla Mahad Leh

Cheaf Caaqil C/laahi Cabdalle Ismaaciil

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here