Saxilnews.com
Mid Ka Mid Ah Beelaha Somaliland Ee Xamar Jooga Oo Sheegay In Xaqoodii Xubnaha Aqalka Golaha Sare La Dhacay.
November 20, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa(Saxilnews)Qaar ka mid ah beelaha Woqooyi oo sheegay in la duudsiiyey xuquuqdii ay ku lahaayeen aqalka sare
Qaar ka mid ah beelaha dega gobolada woqooyi ayaa kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxay ka soo saareen War-saxaafadeed ay kaga cabanayaan sed bursi lagu sameeyey xubnihii aqalka sare looga qoondeeyey.

Waxay sheegayaan in shirkii madasha wada tashiga looga qoondeeyey beelaha gobolada woqooti 11 xubnood, hase ahaatee hadda loo sheegay in 3 xubnood kaliya loo hayo.

War-saxaafadeedka ay soo saareen ayaa u qornaa sidatan:

Waxaa taariikhdu ahay 15.11.2016 shir isugu yimid Garaado, cuqaal, xildhibaanno, aqoonyahan, ganacsato iyo wakiillo ka socda ururada bulshada Harti-Woqooyi oo ku sugan magaala madaxda Muqdisho.

Waxay ka tashadeen sidii ay uga hortagi lahayeen gabood fal iyo duudsi uu kula kacay guddoomiyihii hore Xildhibaan Maxamed Cismaan Jawaari; isagoo si cad oo been abuur ah dir woqooyi ugu wareejiyey 3 xubnood oo Aqalka Sare ee Madashu-noo qondeysay.

Sida la wada ogyahay waxay Madasha Qaranku u qoondaysey gobollada woqooyi ee dalka 11 xubnood oo u metala AqalkaSare. Waxaa kale oo Madashu isku raacday in doorashada Barlamaanka beelaha deggan Somaliland ay yeelato hannaan u gaar ah isla markaana waxay Madashu u qoondaysay degaannada Sool, Bariga Sanaag iyo degmada Buuhoodle saddex kursi sida ku cad war-murtiyeedka shirkii Madasha Hoggaanka Qarnka ee 2-9 August 2016.

Iyadaoo la isu diyaarinayo hirgelinta hannaanka doorashooyinka u gaarka ah Gobollada waqooyi, ayaa Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Federaalka waxaa kasoo baxay qoraal uu ku tilmaamay hab-raac doorashada Aqalka Sare ee gobollada Waqooyi laakiin uu ku soo saaray go’aammo uu keli ku yahay oo aan Madashu la qabin, sida ay qoraal iyo Afba ugu caddeeyeen Xubnihii Madashu dhammaantood. Sidaa darted Beelaha dega gobollada Sool, Sanag Bari iyo degmada Buhoodle, waxay sibuuxda uga soo horjeedaan go’aamadaas sababaha soo socda awgood.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanku wuxuu si cad meesha uga saaray qoondadkii degaannada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle in ay xubno ku yeeshaan Aqalka Sare sida ka muuqata dhismaha Guddiga Fulinta, iyo habraaca doorashada Aqalka Sare oo uu ku saleeyey 4.5 isaga oo si cad u’ baalmaray in xubnaha Aqalka Sare lagu saleeyo maamul-goboleedyo.
Guddoomiyaha Barlamaanku wuxuu 10kii bishan Nofember magacaabay 7 xubnood guddiga Fulinta doorashooyinka dadban ee 2016 oo beel keliya ah wuxuna si cad u gaarey gobolka Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle.
Guddoomiyihii Baarlamaanku wuxuu duubabka soo dooranaya ergooyinka doorashada ku koobay beel keli ah isaga oo si cad uga reebay saxiixayaasha kasoo jeeda Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle oo qaarkood joogaan.

Guddoomiyuhu wuxuu si cad u baalmaray heshiiskii ahaa in Aqalka sare loo qaybsaday Maamulo iyo Degaan, isagoo u dhigay in beelgaar ahi qaadato iyo in uu kategey beelihii Harti woqooyi oo kala bar dega Gobollada woqooyi.

Nooma suura-gelin guddoomiye Maxamed Cisman Jawaari inaan kala hadalno arrimahan isagoo dalka ka dhoofay markuu go’aankan ku faafiyey website-yada

Maadaama Guddoomiyahu ku tallaabsaday sharciyaddii habraaca oo ay ahayd waxkastoo laga beddelayo heshiiska in ay madashu u wada dhantahay, uuna si cad u marin habaabiyey Hannaankii doorashada , waxanu Madasha Hoggaanka Qaranka, Guddiga Doorashooyinka iyo Beesha caalamkaba ka codsaneynaa iney noo diyaariyaan sidii aannu u dooran lahayn 3-dii Kursi ee loo qoondeeyey degaannada Sool, Sanaag Bari iyo Degmada Buuhoodle.

WA BILLAAHI TOWFIIQ

COMMENTS
Latest News