Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud wuxuu rafcaan ka qaatay xukunka isaga oo raba in la xidho labada suxufi.
Gudoomiyaha xarunta xuquuqal Iinsaankaa madaxa banaan ee Somaliland Guuleed Axmed Jaamac ayaa ka hadlay arrinkan waxaana uu sheegay in xukuumaddu aanay doonayn cid dhaliisheeda tabisa waxaana uu yidhi sida tan
“Suxufiiyiintani wax dembi ah may gelin waxaayse guteen oo keliya shaqadooda suxufinimo. Waa waxaan la aqbali karin in dawladdu kadeedo suxufiyiinta dhaliisha tebiya oo ay xidho warbaahintooda. Wargeysyada Hubsad, Codka Shacabka iyo Haatuf dhamaantood waxa xayirtay dawladda,” ayuu yidhi Guleid Ahmed Jama, gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka.
Wuxuu intaas ku daray “Dawladdu waa inay dib ula noqoto rafcaanka oo ay ixtiraamto xorriyadda warbaahinta ee ay damaanad qaadeen dastuurka Somaliland iyo Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqal Insaanka. Maxkamadda Gobolku way sii daysay labada suxufi waxaayse ayiday xayiraadda wargeyska. Xukunka Maxkamada Gobolku waa mid qaloocan oo aan dani ugu jirin xorriyadda warbaahinta. Hada, Xeer-ilaaliyaha Guud wuxuu codsanayaa ciqaab tan kasii culus.”