Saxilnews.com
Maxkamada Sare Ee Dalka Masar Oo Go,aan Cusub Ka Soo Saartey Dilkii Lagu Xukumay Madaxweynihii Hore Ee Dalkaasi Maxamed Mursi
November 15, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Qaahira (Saxilnews):- Maxkamada sare ee dalka Masar ayaa waxaa ay go,aan cusub ka soo saartey dilkii

hore loogu xukumey madaxweynihii hore ee dalkaasi Maxamed Mursi .

Maxkamada ayaa waxaa ay go,aamisay in aan la fulin karin dilkaasi lagu xukumey Maxamed Mursi isla markaana ay joojisay balse waxaa ay amartey in dacwad mar kale lagu qaado .

 Sanadkii hore ayey aheyd markii Maxamed Mursi lagu xukmey dil ka dib markii lagu eedeeyey in uu masuul ka ahaa kacadoonadii dalkaasi ka dhacay sanadkii 2011.

Mr Morsi oo ka mid ah xisbiga Akhwaan Muslimiinta ayaa ahaa madaxweynihii ugu horeeyay ee si dimoqraadi ah loo doorto kadib kacdoonkii Carabta.

Laakiin waxaa xukunka ka qaaday milatariga 2013-dii, kadib mudaaharaadyo looga soo horjeeday dowladiisa.

COMMENTS
Latest News