Saxilnews.com
MAXKAMADA RAFCAANKA GOBOLKA MAROODI JEEX OO KALA SAARTAY LABA SHIRKADOOD OO ISKU QABSADAY MAGAC
May 13, 2018 - Written by editor

Maxakamada Rafcaanka ee  Gobolka Maroodi jeex ayaa kala saartay Laba shirkadood oo ka wada dhisan Hargeysa isla markaana ku murmay magaca.

Labadan shirkadood oo kala ahaa Som takaaful  iyo takaaful oo ka wada shaqeeya Caymiska Baabuurta ayaa waxa ay Maxakamadu go’aamisay in Shirkadda Caymiska ee Takaaful ay leedahay Magaca, halka ay shirkada kale ee Som Takaaful iyana lagu xukumay in ay la baxdo magac kale, maadama uu kani u yahay baaqi shirkadda Takaaful.

Garyaqaaan Cumar Goodaad oo u dooday shirkadda Takaaful ee loo xukumay Magacaasi ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay sida uu xukunkaasi u dhacay.

Waxa uu u mahad celiyay

Maxakamada Rafcaanka ee Gobolka Maroodi jeex, waxaana uu sheegay in kiiskaasi ay u qaaday sidii ugu macquulsanayd.

Hadaba halkan hoose kaga bogo xukunka ay maxkamada Rafcaanka ku kala saartay laba shirkadood oo ku murmay Magaca.

 

COMMENTS
Latest News