Saxilnews.com
Maxbuus la diiday in laga daayo Guantanamo
August 15, 2015 - Written by admin

Washington (saxilnews.com)..Waaxda cadaaladda ee Mareykanka ayaa ka codsatay maxkamad ku taalla Washington in aanay sii deyn maxbuus ku xiran xabsiga Guantanamo Bay, kasoo la sheegay inuu caafimaad ahaan liito.

Qareenka Tariq Ba Odah, oo ah maxbuus u dhashay dalka Yemen, ayaa sheegay miisaanka jirkiisu gaaray 34 kilo garam, uuna geeri qarka u saaran yahay.
Tariq oo sanado waday cunno joojin, ayaa waxaa xoog ku quudiya ilaalada xabsigaasi.
Saraakiisha milateriga iyo mukhaabaraadka Mareykanka ayaa ogolaaday in maxbuuska la sii daayo 5 sano ka hor.
Weriyayaasha ayaa kusoo warramaya in waaxda difaaca Mareykanka ee Pentagon, ay sanadihii lasoo dhaafay diidaneyd in la sii daayo maxaabiista ku xiran Guantanamo Bay.

saxilnews.com

COMMENTS
Latest News