Saxilnews.com
MAXAABIIS SOMALI AH OO LAGA SOO DAAYAY LIIBIYA OO KA SOO DEGAY MUQDISHO.
February 17, 2018 - Written by editor

Maxaabiista ayaa waxaa ka mid ahaa caruur yar yar iyo hooyooyin, kuwaasi oo muddo ku jiray gacanta magafayaasha Libya.

Kow iyo toban Maxbuus oo ka mid ahaa maxaabiistii dalka Libya ku xidhnaa, ayaa maanta laga soo dajiyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Maxaabiistan ayaa Garoonka Aadan Cadde, waxaa ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Somaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo masuuliyiin ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Somaliya.

Maxaabiista ayaa waxaa ka mid ahaa caruur yar yar iyo hooyooyin, kuwaasi oo muddo ku jiray gacanta magafayaasha Libya.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Somaliya, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in caruurtaan dalkooda hooyo ay dib ugu soo laabtaan.

Wuxuu sheegay dadkaan dadaal badan inay ku bixisay dowladda Somaliya sidii looga sii dayn lahaa xabsiyada dalka Libya

oo ay ku xidhnaayeen.

Dadkii la soo celiyay, ayaa ka mahadceliyay dadaalka dowladda Federalka Somaliya ay u gashay sidii xoriyadooda ay ku heli lahaayeen, dalkooda hooyana ay dib ugu soo noqon lahaayeen.

Safiirka Somaliya ee Midowga Yurub Ambassador Ali Saciid Fiqi, ayaa dadkaan shalay diyaarad ka soo saaray Magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Libya.

 

Sources: universaltvsomali

 

COMMENTS
Latest News