Saxilnews.com
Maxaa ku qasbay wasiirka arrimaha dibadda Iran in uu bixiyo raaligalintan naadirka ah?
May 2, 2021 - Written by Baas Rashiid
Javad Zarif

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,Javad Zarif

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Iran ayaa raaligalin ka bixiyay ka dib markii uu soo baxay cajalad laga duubay taasi oo uu ku cambaareynayo abaanduulihii geeriyoodey ee sida wayn looga qadariyo dalka Iran ee Qasem Soleimani.

Javad Zarif ayaa sheegay in uu rajeynayo in dadka reer Iran iyo gaar ahaan qoyska Soleimani ay iska cafin doonaan.

Cajaladan ayuu Mr Zarif waxaa uu ka hadlayaa halista waxa uu ku tilmaamay faragalinta uu shaqadiisa ku hayay Qasem Soleimani iyo saraakiisha kale ee ciidamada awoodda badan ee ilaalada kacaanka Iran.

Dadka lafa-gura arrimaha Iran ayaa sheegaya in Qasem Soleimani oo ay mareykanka ku dileen duqeyn uu ahaa nin si wayn looga qadariyo dalka Iran.

Waxay u arkaan madaxda Iran in uu ahaa nin aan la cambaareyn Karin oo ay aad u qadariyaan.

Hadalka codka sirta ah ee dadwaynaha loo so dusiyay ee Mr Zarif ayaa waxaa uu dhaliyay muran badan.

Maxaa lagu haystaa Mr Zarif?

Cajalad maqal ah oo laga soo duubay wasiirka arrimaha dibedda Iran, Javad Zarif, ayaa soo baxday taas oo laga maqli karo isagoo dhaleeceynaya Ilaalada Kacaanka Iran, wuxuu sheegay in iyaga ay sii adkeenayaan dadaalada diblomaasiyeed ee xukuumadda Tehran.

Mr Zarif wuxuu si gaar ah farta ugu fiiqay General Qassem Soleimani – oo ahaa taliyihii militariga ee awooda badnaa ee lagu dilay weerarkii Mareykanku ku qaaday magaalada Baqdaad sanad iyo bar ka hor.

Wasiir Zarif wuxuu sheegay in Janaraal Qaasim Sulaymaani uu Iran geliyay dagaalka Suuriya si ay u caawiso Ruushka.

Zarif ayaa sidoo kale la maqlayay isagoo si isdaba joog ah u dhaleeceynaya dhigiisa Ruushka Sergei Lavrov, isagoo ku eedeeyay in xukuumadda Moscow ay markasta isku dayeysay inay joojiso heshiiskii Nukliyeerka ee 2015-kii ee lala galay Reer Galbeedka.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Iiraan ayaa sheegtay in codka cajaladda la jarjaray.

Wareysiga ayaa la sheegay in la duubay bishii Maarso waxaana loogu talagalay in la sii daayo marka maamulka Xasan Rouhani uu xafiiska ka tago dabayaaqada sannadkan.

Qasem wuxuu aad ugu dhawaa hogaamiyaha Iran

XIGASHADA SAWIRKA,AFP

Qoraalka sawirka,Qasem wuxuu aad ugu dhawaa hogaamiyaha Iran

Kumuu ahaa Jeneraal Qaasim Sulaymaani?

Qaasim Sulaymaani waxaa uu dhashay sanadkii 1957, wuxuuna hadda madax ka ahaa ciidamada Qudus.

Qaasim wuxuu caan ka ahaa gudaha dalalka Iran, Ciraaq, Lubnaan, Suuriya iyo Yemen oo ah dalal ay ku nool yihiin dadka heysta madhabta shiicada, waxaana aad u xurmeyn jiray hogaamiyeyaasha dalka Iran iyo dadka shiicada.

Ciidanka uu madaxda ka ahaa ee Qudus waxay ahaayeen ciidamo qaabilsan hawlgalada dibadda, gaar ahaan dalalka Suuriya, Ciraaq iyo Yemen, waxayna si toos ah uga mar qaataan hogaamiyaha Iran.

Ciidamada Qudus waxay hawgalo ka sameyaan meelo ka baxsan xuduuda dalka Iran, waxay taageero buuxda u muujiyeen Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad, xilligii ay xoogaga mucaaradka Suuriya qabsadeen qeybo badan oo kamid ah dalkaas.

Ciidamada Qudus ayaa sidoo kale gudaha dalka Ciraaq kula dagaalameen kooxda ISIS, waxayna ku guuleysteen in ay ka saaraan deegaano badan.

Wuxuu astaan muuqata u ahaa saameynta sii kordheysa ee Iran, gaar ahaan bariga dhexe oo ay ku loolamayaan xulafada Sacuudiga iyo Iran

COMMENTS
Latest News