Saxilnews.com
Masuuliyiinta Xisbiga UCID Oo La La’yahay Meel Ay Jaan Iyo Cidhib Dhigeen+Dadka Abaaruhu Ku Saameeyeen Deegaanada Gobolada Bariga Oo Aanay Illaa Hadda Wax Gurmada U Gaysan Iyo Dareenada Ku Xeeran.
November 21, 2016 - Written by Abdisalaan Harir
Hargeysa(Saxilnews) Iyada oo wakhti xaadirkan abaaraha baahsan ee ka jira deegaanada gobolada bariga Somaliland ay marayo meeshii ugu xumayd ayaa waxa gabi ahaanba la la yahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen masuuliyiinta xisbiga mucaaradka ah ee UCID oo uu hor kacayo gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe.

Masuuliyiintan xisbiga UCID min degmo ilaa heer gobol Ayaan iyagu ilaa hadda  wax gurmad iyo kaalmo  bini’aadamtinimo ah gaadhsiinin dadka ay sida xun abaaraha baahsani ugu saameeyeen deegaanada gobolada bariga Somaliland oo ah dad wakhtigan u baahan gurmad iyo taakulo deg deg ah si ay uga samata baxaan abaarahan saameeyey,halka dhiggooda xisbiga WADDANI iyo KULMIYE ay dadkaasi u gurmadeen kaalmona u gaadhsiiyeen.

Bulshada Somaliland ayaa iyagu si wayn isku waydiinaya sababaha uu xisbiga UCID uga maquurtay gurmadka dadka ay abaaruhu halakeeyeen ee ku dhaqan deegaanada gobolada bariga Somaliland oo ay xaaladooda nololeed wakhtigan marayso meel adag,iyada oo saraakiisha xisbiga UCID-na ay iska dhex mushaaxayaan caasimada hargeysa iyo dalalka yurub  iyaga oo u muuqdo kuwo aan dan iyo muraad kal lahayn bulshada gobolada bariga Somaliland ee ay abaartu hayso.

Gudoomiyaha xisbiga UCID ahna murashaxa xisbigaasi Eng Faysal Cali Waraabe ayaa isaga la la yahay meel uu jaan iyo cidhib dhigay isaga oo  shirwaynihii golaha dhexe ee xisbigoodu ku qabsadeen magaalada hargeysa isla markaana lagu ansixinayay musharaxnimadiisa uu ka sheegay in uu wax u qaban doono dadka jilicsan ee u baahan gurmadka isaga oo hadalkaasi noqday mid halbacaad lagu lisay ah oo aan midho dhalin,waxaana bulshadu is waydiinaysaa sababaha uu uga qayb qaadan waayay gurmadka dadka tabaalaysan ee ay abaaruhu saameeyeen.

Gabagabadiina Xisbiga UCID ayaa noqday mid isagu dhexdiisa isku mashquulsan isla markaaana aan la dareen ahayn shacabkiisa tabaalaysan ee ay abaaruhu saameeyeen

COMMENTS
Latest News