Saxilnews.com
Masuuliyiin Xukuumadda Ka Tirsan Oo La Filayo Inay Iska Casilaan Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo Kuna Biiraan Xisbiga WADDANI
October 14, 2017 - Written by Abdisalaan Harir
Hargeysa(Saxilnews) Warar soo if baxaya ayaa waxay sheegayaan in la filayo in dhawaan ay xukuumadda iska casilaan isla markaana iskaga baxaan wasiiro,wasiiru dawlayaal iyo agaasimayaal guud,kuwaas oo ka tisan xukuumadda madaxwayne Siilaanyo.

Waxaana masuuliyiintan la filayaa in inta aan la gaadhin ololaha ay iska casilaan xukuumadda ay hadda ka tirsan yihiin isla markaana ay xilalka ka hayaan,waxaana xoguhu tibaaxeen in masuuliyiintan ay si rasmi ah ugu biiri doonaan xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.

Wasiirada sida gaarka ah ay fartu ugu fiiqan tahay lana filayo inay iscasilaan ayaa waxay xoguhu tibaaxeen inay kamid yihiin wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Maxamed Ibraahin Qabo oo isagu hore u shaaciyay inuu u tartamayo jagada gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Murrashax Muuse Biixi Dabadiid,kaas oo hadda ay xaraaradiisu cirka marayso iyo sidoo kale wasiiru dawlaha nabadaynta gobolada bariga Somaliland ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cabdirashiid Xuseen Cabdille (Gargaar) kaas oo isna tabashooyin badan tirsanaya,lana sheegay in xukuumadda uu katirsan yahay tahli kari wayday inay ka bixiso lacagta gaadhiga uu ku shaqeeyo oo uu ka kiraystay nin ganacsade ah.

Si rasmi ah looma garanayo wakhtiga la filayo inay iscasilaan masuuliyiin xukuumadda ka tirsan,waxase goobaha siyaasadda lagu falanqeeyo si aada looga hadal hayaa hadal haynta masuuliyiinta la filayo inay iscasilaan.

 

COMMENTS
Latest News