Hargaysa (SAXILNEWS)_Waxa isa-soo-taraysa wararka sheegayaa inay shaqadda ka tagayaan Wasiiradda Warfaafinta iyo Boosaha iyo Isgaadhsiinta,taas oo shalay laga dheehanayay Shir Jaraa’id oo ay Wasaaradda Gaadhaan-dhiga ku qabteen Wasiiradda taabasan Gudoomiye Muuse Biixi iyo Marwadda Madaxweynaha,kuwaas oo ka hadlay Wasiiradda is-casilay,meeshana ka saaray in aanay Xukuumaddu u dhutinahayn,balse la samaynayo dhiig Cusub iyo dar-dar hor leh oo ay Xukuumaddu gali doonto.
Xogaha soo baxaya,ayaa sheegayaa in Labaddan Masuul ay labadda Wasiir ee ilaa hadda Is-casilaadooda aan ku dhawaaqin,isla markaasna si toos ah ula safnaa Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda,kaas oo ahaa Shaqsiga ku qal-qaaliyay dhamaanba Masuuliyiinta Xilalka ka tagay,waxaana sheegayaa in Garabka Hadda la wareegay Majaraha Xisbiga Iyo Xukuumadda ee ay ugu muuq-dheer yihiin Wasiirka Cusub ee Madaxtooyadda,Maxamuud Xaashi Cabdi Iyo Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE,Muuse Biixi Cabdi aanay jeclayn inay Gollaha Xukuumadda ku hadhaan Taageerayaashii Wasiiraddii Madaxtooyadda Iyo Arrimaha Dibadda.
saxilnews005@gmail.com
hargeisa office