Saxilnews.com
MASUULIYADDA KOWAAD EE QABANQAABADA IYO QABASHADA DOORASHADU, WAXAY DUSHA KA SAARANTAHAY XUKUUMADDA JOOGTA”
February 1, 2015 - Written by admin

(Saxilnews.com)- Siyaasiga Cali Ibraahim Maxamed (Cali Sanyare) oo ahaa wasiirkii qorshaynta ee xukuumadii Daahir Rayaale Kaahin, ayaa ka hadlay xaaladda uu wadanku marayo iyo doorashooyinka Somaliland la filayo inay ka dhacaan.1

Md. Cali, oo u waramay weriye Cabdiqaadir oo ka tirsan shabakadda wararka ee qurbe-jooge, ayaa waxa uu waraysigii u dhacay sidan:

Waxaad ahayd xubin ka mid ah golihii  dhexe ee UDUB .Waxaad  ka noqotay wasiir muuqda xukuumadii Daahir Rayaale. Waxaad kaloo ahayd guddoomiyihii guddidii is ku xilqaantay dhexdhexaadinta markii xisbigu laba garab u kala jabay. Waxaad hadda  tahay guddoomiyaha Mashruuca Dismaha Wadada Cad ee HARGEISA/SALAXLEY/INA-GUUXA ee heerka fiican maraya. Hase yeshee ,saaxada siyaasadda hadda
uma badnid .  Maxaa dhacay? ma hawlgab ayaad siyaasadda ka gashay? Haddii aad weli siyaasadda ku jirtid xisbigee ayaad taageerta ?

Su’aal aad iyo aad u qiimo badan oo haddana raran ayaad I-weydiisay, Waanad ku mahadsantahay. Horta xisbigaygu wuxuu aha UDUB. Intii UDUB saaxda ka baxdey weli xisbina kuma biirin. Laakin siyaasadda kama bixin. Waayo, siyaasaddu dhiiga siyaasiga ayey la shaqeysa, mana kala maarmaan  labadoodu. Siyaasadu ma laha wakhti hawlgab Lagu galo oo mudeysan.

Siyaasigu waxa  laga yaaba inuu muddo ka aamuso siyaasadda, haddana markuu doono dib-buu -usoo-labakacleeya. Malaha halka aad iga garan-la’dahay waxaan ku jiraa muddadii aamusnaanta iyo laba kacleynta. Hase yeshee, horana waan  ugu  hadley siyaasadda dalka ka socota, mustaqbalkana, INSHAA ALLA, bulshada waan u iftiimin doona ra’yigeega ku wajahan doodaha siyaasadeed ee ka allowsan somaliland.

Siyaasiyiinta dalalka dhaqaalahoodu soo korayo, gaar  ahaan, Afrika, waxay siyaasadu  u tahay shaqo joogta ah,bacdama intooda badani, aany lahayn dahkli u gaar ah ama hanti-maguurta ah ama ganacsi baahitiri kara  noloshooda iyo  ka xaasaskoodaba. Bulshaduna waxay u afduubantahay dadkaas oo intooda badani, higsigoodu yahay in aany bulshada u shaqeyn, balse ay ka shaqeystaan. Halka siyaasiinta  dalalka dhaqaalahoodu hore u maray ay badankoodu siyaasadu  u tahay shaqo labaad, oo magac taariikhda u gala iyo maamuus ka raadsadaan, sababta oo ah iyagoo war war dhaqaale oo noloshooda kaaba aanay qabin. Xanjada meesha ugu dhejisani waxay tahay, hanti  ku filan oo ay leeyihiin, hantidaas oo ay hore uga dhaxleen qooseskoodii ama dhaqaale iyaguba hore u tacbadeen intaanay siyaasadda ku soo biirin

Sidaad ogsoontahay sanadkii doorashooyinka ee Somaliland ayaa hadda lagu jiraa . Bulshada Somaliland, intooda badani, waxay ku adkeysanayaan in doorashoyinka Madaxweyna,ku-xigeenkiisa iyo xubnaha golaha wakiilada mar lawada qabto bisha Juun,2015ka? Maxay Adiga kula tahay ? Maxayse tahay saameynta ay ku yelan karto geedi socdka dimoqradiyada somaliland, haddii doorashooyinku  rumoobi wayaan?

Waa xaq in doorashada  la qabto wakhtigeedii , si sharciyada iyo qarannimada dalku u saqiirin . Waxa kaloo jira walaac  mug leh  oo soo ifbaxay oo ay muujinayaan dad shacbiga ka mid ah, oo  aqoon u leh  nidaamka doorashooyinka iyo khiyaamooyinka ka dhalan kara diwaangelin la’aan ama haddi la raaco nidaam doorasho oo aan dhameystirneyn , kana warwarsan sida hawsha diiwaangelinta madaniga ahi u socota . Ma filayaan dadkaasu in doorasho xor oo xalaal ahi ka dhacdo Somaliland bisha Juun ee soo socta. Waxay ka digayaan  in doorasho mugdi ku jirto aanay bulshadu ku qaldamin oo aanay ogolaan, Waxay ku  qanacsanyihiin in hawlaha ka dhiman qabanqaabada doorashooyinka Lagu dhameyn karin  muddada shanta bilood ah ee ka hadhsan doorashada.  Bal aynu  eegno sababaha loo aaneynayo  gaabiskan jira iyo cida ka masuulka ah:

1). Masuuliyadda kowaad ee qabanqaabada iyo qabashada doorashada (oo ay ku jiraan waajibaadka sharci ,maamulka  guud iyo maaliyadeed) waxay dusha  ka saarantahay xukuumada joogta.
2).  Awooda Komishanka Doorashooyinka Qaranka waxa ka mid ah fulinta farsamooyinka qabanqaabo iyo qabasho , si waafaqsan sharciga doorashooyinka, iyagoo u madax -banaan, lana tashanaya Xukuumadda,  Axsaabta qaranka iyo Qaadhaanbixiyayaasha.

3) Hawlaha farsamo ay doorashooyinka waxa  lagu  qiyaasa, haddii ay billow yihiin ,
Inay qataan mudo ah 18 bilood Ila 24 bilood. Hase yeshee, dalkii distay nidaam maamul oo doorasho , lehna khibradii loo bahnaa,sharcigii,agabkii, miisaaniyadii iyo  shaqaale taysan oo tababaran , hawshu waxay ku qadan karta muddo kooban oo bilo ah.

Teennu, waxay tahay bilow laba sababood awgood.  Kow, Xukuumadda waxay laashay
diiwaangelintii lagu  galay doorashadii Madaxweynaha ee sanadkii 2015 ee kharashka badani ku baxay, iyada oo ay kufiicneyd in si cilmiyesan loo saxo khaldaadkii dhowrka ahaa ee ku jiray,kadibna laysla qaato,markii codbixiyaasha cusubna lagu kordhiyo,in loo isticmaalo doorashooyinka 2015. Waxay diwaangelinta la laalay Inadhaxalsiisay in doorashadii deegaanka ee sanadkii 2012kii lagu galo diiwaangelin la’aan. Natijadii musuq-maasuq ee ka soo baxday, gilgishayna dalka Waa wada ogsoontihiin.

Iyadoo laga cibraqaadanayo khibrada xun ee kor ku xusan ayaa laysla qaatay  in doorashada 2015ka Lagu galo nidaamka diiwaangelinta. Waxa miiska yaaley in doorashada loo raaco  diiwaangelin mideysan ( oo ah mideynta labaada diiwaangelinood ee kala ah ta madaniga ah iyo ta codbixiyayaasha) si muwaadinku uqaato hal kaadh ( ama teysaro) oo  u cadeyneysa muwaadinnimadiisa, una sahleysa inuu, Isla kaadkaas, ku codeeyo.Waa nidaam dalalka dunida  badankoodu ku dhaqmaan ,kuwaas oo ay ku jiraan dalalka aynu jaarka nahay, intooda badani. Waa diiwaangelin loo arko xalaal oo lagu xakameyn karo khaladaaka  iyo musuqa  ka dhici kara  maalinta codeynta. Waa diiwaangelin hufan  oo muddo dheer lasoo tijaabiyey oo lagu  kalsoonan karo.
Nasiib darro, xukuumada ayaa ganafka ku dhufatay soo-jeedintaas ku saabsaneyd diiwaangelinta mideysan,kuna adkeysatay in loo kala saaro laba diiwaangelin, lana kala dambeysiiyo.  Taasi waxay keentay:
1). Kharashkii diiwaangelinta mideysani yareyn lahayd oo si weyn u badatay.

2). Muddadii koobneyd ee lagu dhameyn lahaa hal diiwaangelin oo mideysan ayaa isku bedeshay  laba isdabajooga  oo kordhisay muddadii koobneyd ee loo qiyaasay diiwaangelinta.

Waxay markaas xukumaddu degta u ridatay miisaaniyaddii ku baxaysa diiwaangelinta
madaniga ah, halka qaadhanbixiyayaashuna ogolaadeen kharashka ku baxaya diiwaangelinta codbixiyayaasha, oo ka dambeyn doonata ta hore.

Runtii hawlaha la xidhiidh qabanqaabada doorashada waxay ahayd, haddii daacad laga ahaan lahaa , sidii hore  loo sheegay  in la bilaabo bishii Juun 2013kii. Komey habooneyn in dhamaadka 2014ka la grif-grifleeyo. Taasi may dhicin,inkastoo wadahadalo ay wadagaleen  xukumadda,  Komishanka,Axsaabta qaranka iyo qaadhanbixiyayaashu ay Isku afgarteen In hawsha la dardargeliyo.

Su’aasha markaas ku haboon in lays-weydiiya waxay tahay: Maxa hawlihii farsamo ee ahaa in mar hore la bilaabo ila hadda ka qabsoomay ? Waxay ila tahay in haddii  la boonbooniyo ugu badnan ila 5%la fuliyey oo ay dhimanyihiin ila 95%. Waxaa kaloo la isweydiin kara yaa ka gaabiyey masuuliyadeedii ?  Taasi way iska cadahay oo waa  xukumadan lagu  tuhunsanyahy in aanay daacad ka ahayn doorasho dhacda ,balse ajendha kale arrintan ka lahayd. Su’aasha saddexaad waxay iyana tahay: Haddii doorashado wakhtigeedii  ku qabsoomi waydo, maxay saameyn ku yeelan karta geedi socodkii dimoqradiyadeed ee somaliland ? Waxaa hubaal ah in  uu burburi doona higsigii bulshada ee ahaa in doorasho xor oo xalaal ahi dhacdo bisha Juun,2015 si dadka iyo dalkaba uga dhaqdhaqdo doorashooyinkii musuq-maasuqa ahaa ee dawladaha hoose. 

Waxa kaloo bar madow ku noqoneysa,haddii  aanay doorashado
dhicin, magaca iyo qarannimada somaliland iyo qadarintii beesha caalamku  inoo haysay ee ku qotontay dimoqraadiyad  iyo maamul-wadaag inoo magac baxay oo aynu amaan weyna ku helnay.

Wuxuu  u muuqda qorshaha  xukuumadu  mid aan  doorasho u diyaar ahayn. Warar  dawaan soo baxay waxay  sheegayaan in qodobada 7(2) iyo 20 (2)  ee sharciga cusub ee diiwaangelinta codbixiyaasha  uu saxeexy  madaxweynuhu  23kii Diisembar, 2014kii, dhaqangaleyna 22kii Janawari, 2015 uu ku waajibinayo Komishanka doorashooyinka in  uu soo saaro liiska kama dambeysta ah ee diwaangelinta codbixiyaasha 6 bilood ka hor maalinta doorashada .Taas micnaheedu wuxuu  yahay in liisku ahaa in uu soo baxo 15ka Diisembar2014 ee aynu soo dhaafinay , haddii doorashadu dhaceyso 15ka Juun,2015..Way cadahay hadda sababaha loo curyamiyey fulinta qabanqaabada doorashada ay ahayd in loo helo muddo kordhin xukuumada , iyadoo la degayo shaxdan soo socta:
B)Waxa shaxda bilaabi doona Komishanka Doorashooyinka bilaha  fooda inugu soo haya ee sandakan ,iyagoo ku war gelin doona Madaxweynaha Jumhuuriyada Somaliland in doorashadii mudeysneed aanay qabsomi karin, farsamo ahaan, wakhtiga gaaban ee kahadhsan awgeed. Waxay ku sababeeyn doonaan barnaamijkooda waxa qabad muddada ay ku dhameyn karaan hawsha, iyagoo ogeysiin siinaya Axsaabta qaranka, kana dalbanaya xal-u-helinta arrintan.

T)Waxa diyaar ah ama lasiidiyaarin doona Golaha Guurtida si tallaabooyinkii  muddo kordhinta ahayd ee looga bartey u fuliyaan .

J)Waxa iman doonta iyadoo fasiraada qodobka dastuurka ee ka hadlaya muddo kordhinta xukuumada laysla fahmi waayo oo xukumada iyo Golaha Guurtidu is ku af -noqdaan, halkaasna ka baxdo dhexdhexaadnimaddii Golaha Guurtida.

X)  Waxa haboon in fasiraada qodobka dastuurka ah loo dhiibo guddi qareenna ah oo madax-banaan ama maxkamada dastuuriga ah si tafsiir sharci u sameeyaan, inkastoo garsoorka dalku u muuqdo,markaad u kuur gasho , Inay kalsoonidii bulshada lumiyeen.

berber2002@gmail.com

COMMENTS
Latest News