Saxilnews.com
Masar: Maxamed Badiye oo la xukumay
August 22, 2015 - Written by admin
Maxamed Badiye

Maxkamad ku taala Masar ayaa ku xukuntay Moxamed Badiye xabsi noloshiisa oo dhan. Moxamed Badiye ayaa loo arkayay inuu ahaa hogaamiye diimeed ee ururka Akhwaan Muslimiinta.

Waxaa la xukumay isaga iyo dad kale oo ka tirsan Akhwaan Muslimiinta iyadoo lagu eedeynayo weerar lagu qaaday saldhig boliis ee Port Saciid sanadkii 2013.

Wuxuu ka mid yahay kumanaan Akhwaan Muslimiin ka tirsan oo la xiray, waxay taageersanaayeen madaxweynihii hore Moxamed Morsi intaan xukunka milatariga ka qaadin.

 

 

 

maxamed xasan aadan

 

saxilnews005@gmail.com

COMMENTS
Latest News