Saxilnews.com
Masaajid Ku Yaala Magaalada Berbera Oo Khilaaf Ku Dhex Maray Laba Qaybood Oo Culimadda Berbera Kamid Ah Iyo Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Oo Ka Hadlay Arrinkaasi  
November 23, 2016 - Written by Abdisalaan Harir
Hargeysa(Saxilnews)-Maamulka masaajidka sheikh Isxaaq ee ku yaala badhtamaha magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ayaa la sheegay inuu khilaaf ku dhex maray labada qaybood oo kamid ah culimada diinta eek u sugan magaalada Berbera.

Wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo wargeyska Himilo khadka telefoonka kula xidhiidhay ayaa ugu horeyn jawaab ka bixiyay khilaaf la sheegay inuu ka dhashay gacan ku haynta masaajidka Sheekh Isxaaq ee magaalada Berbera waxaana yidhi

“Khilaaf ma jiro masaajid aan wali dhamaan ayuun bay qolo boobtay oo ay furatay markaa wax khasaare ah kama dhicin,wasaaradda Diinta iyo awqaafka Somaliland way ka hawl gashay oo waxa xalka arrinkaasi ku maqan agaasimihii guud ee wasaaradda,waana aqalkii Illaahay oo looma baahna in dhibaato laga abuuro”sidaas ayuu yidhi Wasiir Khaliil.

Sheekh Khaliil waxa kale oo uu ka waramay jidka loo marayo maamulka masaajidkaasi madaama uu khilaaf ka dhashay hadda cida maamulka gacanta ku haynaysa waxaana uu yidhi

“Masaajid ma jirto wali cid loo magacaabay,mana aha masaajid ay cid iska galaysoee waa masaajid nidaam iyo tartiib lahaa,masaajidka haatan waxa dib u dhistay xukuumasdda oo kharash badan galisay,cidda loo dhiibayana waxa ka wada tashanaya xukuumadda iyo ciddii asaaskiisa lahayd,sidaa darted-na cida masaajidka loo dhiibayaa waa shaqaale waxaanay noqon doontaa cidda xaqa u leh”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay sheikh Khaliil Cabdilaahi Axmed.

 

 

Xigasho Himilo

COMMENTS
Latest News