Saxilnews.com
Markab Dekeda Berbera Ku Xidhan Muxuu Sidaa
January 30, 2015 - Written by admin

 

Aniga oo kamidah shacabka reer Somaliland ee degan wadanka Holland, ayaa waxaa aan doonayaa inaan waxyar ka idhaahdo markabka saanada dagaalka sidey ee Berbera ku xaniban. Waxaa jirta hadaba sharciyada aduunka uyaala in ay kamid tahay hadii markab ama doon ama gaadhi sida waxyaalaha mukhaadaraadka ah ama hubka ah in dawlada wadankaasi siday doonto kayeeli karto.

 

Hadaba maadaama oo mandaqada geeska afrika nabadgelyadiisu uu maanta aad xasaasi uyahay ayse jirto in markabkaasi sido saanad dagaal maantase markabkaasi uu gacanta Somaliland kujiro waa in Somaliland aanay cidna kala tashan saanadaa ilaahey uu
maanta gacantooda soogeliyey ee ay aad ka ugu baahnaayeen.

Waxaanan Madaxweynaha, Wasiirka arimaha gudaha Ali Mohamed Warancade iyo Wasiirka gaashaandhiga ugu baaqayaa in aanay saanadaa iska dayicin iyo jaaniskaa ilaahey gacantooda soogeliyey.

Waxaa dhici karta hadii maanta alaabtaa laga dejinwaayo markabkaa sida ee gurigooda ugu soo xidhay in uu cadow gacanta ugalo oo markale laysku ciilkaambiyo.

Somaliduna waxay kumaahmaahdaa maalin tagtay masoonoqoto, markaa maanta waa maalintiinii ee hayska dayicina.

Waxaanan kaloo maamulayaasha dekedaha iyo weliba wasiirka ugu baaqayaa in markab kasta oo dalka yimaada aad loobaadho waayo iminka cashar bay idiin noqotay iyo waayo aragnimo.

Ilaaheyna waxaan idiinka baryayaa inuu idin gacan qabto idinka iyo ciidamada qalabka sidaba.

 

Somaliland ilaahey halajiro, Amiin

Fiirad Iyo Falaqaynta Dadka Kama Masuul Ahi **************************************

saxilnews@gmail.com

 

COMMENTS
Latest News