Saxilnews.com
Mareykanka Oo Hada Soo Saaray War Cusub Oo Ku Saabsan Qaabka Ay Ula Dhaqmayaan Ciidamada Gaashan Buurta NATO Una Hanjabey Ruushka
February 18, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Munich (SaxilNews):- Madaxweyne ku xigeenka dalka Mareykanka, Mike Pence oo ka qeyb galayakullanka amniga ee Munich ayaa sheegay in Ruushka lala xisaabtamayo.

Wuxuu tilmaamay in xukuumadda Moscow lagula xisaabtamo ficilkeeda bariga Ukraine iyo goosashada Crimea.

Khudbadii ugu horeeysay ee dibadda dalka Mareykanka uu ka jeediyo, Mr Pence wuxuu digniin ugu diray Ruushka.

 

Wuxuu u sheegay maamulka Putin inuu u hogaansamo heshiiskii nabadda ee 2015-kii laga gaadhay xaaladda dalka Ukraine.

Balse wuxuu ku nuuxnuuxsaday in maamulka Mareykanka uu sidoo kale raadin doono xal kale oo Ukraine laga gaadho.

Hadalkiisan wuxuu imaanayaa xilli Mareykanka ay ka socoto dood muran badan dhalisay oo ku saabsan in maamulka trump uu xidhiidh dhow la leeyahay Ruushka.

Dalalka Yurub waxay ka walaacsan yihiin in maamulka cusub ee Mareykanka uu saaxiib la noqdo Ruushka iyo madaxweynahooda Vladimir Putin.

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence ayaa xulafada NATO u xaqiijiyay in xukuumadda Washington ay taageereyso Yurub.

Hase yeeshee wuxuu ka dalbaday inay sare u qaadaan dhaqaalaha ay ku bixiyaan difaaca.

COMMENTS
Latest News