Saxilnews.com
Mareeyihii Hore Ee Dekeda Berbera Oo Xilkii Ku Wareejiyay Mareeyaha Cusub Ee Dhawaan Lasoo Magacaabay Iyo Nuxurka Khudbad Uu Wasiirka Madaxtooyadu Ka Jeediyay Munaasibaddii Xil Wareejinta 
August 21, 2016 - Written by Abdisalaan Harir
Hargeysa(SaxilNews) Mareeyihii hore ee dekeda magaalada berbera Eng Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor) oo muddo badan xilka maamulka dekeda berbera soo hayay ayaa maanta si rasmi ah xilkii mareeyinimo ugu wareejiyay mareeyaha cusub ee dhawaan madaxwayne Siilaanyo usoo magacaabay maareeyaha dekeda berbere Axmed Yuusuf Dirir

Waxaana munaasibadii xil wareejinta ahayd kasoo qayb galay xubno wasiiiro ah oo ka socday xukuumadda Somaliland oo uu hogaaminayay wasiirka madaxtooyada Somaliland,xildhibaano ka tirsan labada gole qaran,maamulka gobolka saaxil,ka degmada berbera,siyasiyiin,cuqaal,waxgarad iyo haldoorka gobolka saaxil.

Waxaana munaasibadii xil wareejinta ahayd badiba dadkii kasoo qayb galay ay kasoo jeediyeen hadalo isku soo biyo shubanaya waxqabadkii uu maareeye Xoor-xoor ka qabtey dekeda magaalada berbera intii uu hayay xilka mareeyaha dekeda,iyo waliba waxyaalaha looga baahan yahay inuu qabto mareeyahan cusub ee losoo magacaabay dekeda Axmed Yuusuf Dirir, iyada oona intii ay munaasibaddan xil waareejinta ahi socotay goobtaasi laysku waydaarsaday hadalo kaftan siyasaadeed ah.

Intaasi kadib wasiirka madaxtooyada Somaliland ayaa si rasmi ah xilalka ugu kala wareejiyay maareeyahii hore ee dekeda magaalada berbera Eng Cali Xoor iyo maareeyaha cusub ee dhawaan madaxwayne Siilaanyo soo magacaabay Axmed Yuusuf Dirir.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

 

COMMENTS
Latest News