Saxilnews.com
Maraakiib Laga Leeyahay Wadamada Shisheeye Oo Faro Ba,an Ku Haya Xeebaha Somaliland + Mooganaanta Xukuumada
October 25, 2017 - Written by Abdisalaan Harir
Hargeysa(Saxilnews)Maraakiib Laga Leeyahay Wadamada Shisheeye Ayaa Maalmihii U Danbeeyey Si Sharci Daro Ah Uga Kuluumaysanaaya Xeebaha Kala Duwan Ee Somaliland,Maraakiibtan Oo La Sheegay Inay Yihiin Kuwo Ay Ku Rakiban Yihiin Wershado Ridqaaya Kuluunka Ayaa Qabsaday Xeebaha Kuwaas Oo Aan Haysan Wax Sharci
Maraakiibtan Oo Tiradoodu Kor U Dhaafayaan Ilaa 5 Markab Ayaa La Sheegay Inay Ka Kaluumaysteen Xeebaha U Dhexeeya Xeebta Magaalada Berbera Iyo Saylac,Ganacsatada Somaliland Ee Ka Ganacsata Kaluumaysiga Ayaa Khaatiyaan Ka Taagan Maraakiibta Shisheeye Ee Sida Sharici Darada Ah Uga Kuluumaysanaaya Xeebaha Somaliland,
Sidoo Kale Waxaa Xusid Mudan Inaan Xisbiyada Qaranka Somaliland,Aanay Ilaayo Hada Soo Bandhigin Wax Qorshe Ah Oo Ay Wax Kaga Qabanayaan Maraakiibta Sida Sharci Darada Ah Uga Jilaabaysanaaya Xeebaha Somaliland,
Sidoo Kale Waxaa Jira Dad Ganacsato Ah Oo Ka Yimi Dhanka Wadamada Carabta Oo Iyaguna Faro,Ba,an Ku Haya Duur Joogta Somaliland,Kuwaas Oo La Sheegay Inay Urursanayaan Shinbiraha Deerada Iyo Kuwa Kale Waxaana Sidoo Kale Ay Faro Ba,an Ku Hayaan Shinbirta Loo Yaqaan Galaydhka Oo Ka Mida Shinbiraha Loogu Jecel Yahay Wadamada Caalamka
Ilaayo Hada Ma Jirto Wax Wara Oo Kasoo Baxay Xukuumada Oo Ku Saabsan Khayraadka Somaliland Ee Sida Sharci Darada Ah Loo U Gaadhsanaayo

COMMENTS
Latest News