Saxilnews.com
Manchester United oo afar ciyaaryahan ku qamaareysa si ay ula soo saxiixato Jadon Sancho… (Sanchez iyo Lingard oo qayb ka ah afarta xiddig)
June 28, 2020 - Written by editor

(Manchester) 28 Juun 2020. Wararka ka imaanaya dalka Ingiriiska ayaa sheegaya inay Manchester United fasaxeyso afar ka mid ah ciyaartoydeeda si ay ula soo saxiixato xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho.

Kooxda uu hoggaamiyo Macallin Ole Gunnar Solskjaer ayaa diyaar u ah inay fasaxdo qaar ka mid ah xiddigaheeda oo ay ku jiraan Alexis Sanchez iyo Jesse Lingard si ay u helaan lacag kula soo saxiixdaan laacibka BVB.

Man Uniteda ayaa wali raacdo ugu jirta saxiixa garabka xulka qaranka England, halka kooxdiisa ay ku fara adeegtay inay fasaxaan xagaagii hore.

Kooxda Jarmalka ah ayaa ku adkeysaneysa inay sii heystaan xiddigan illaa ay ka helaan dalab gaaraya 110 milyan oo gini.

Sidaas darteed, Red Devils ayaa diyaar u ah inay bixiso lacagta la dul dhigay iibka Sancho, waxaana ay go’aansadeen inay iska iibiyaan afar ka mid ah xiddigahooda oo ay ugu horreeyaan Sanchez iyo Lingard, kuwaasoo aanan mustaqbal ifaya ku lahayn garoonka Old Trafford.

Xiddiga ka soo qalin jabiyay kulyadda dhallinyarada Manchester United ayaa qaab ciyaareed liita ku jiray sanadihii ugu dambeeyay, waxaana uu hadda rafiiq la noqday kursiga keydka ee kooxda macallinka reer Norway.

Halka xiddigii hore ee Arsenal uu noqday saxiix guuldarreystay tan iyo markii uu Arsenal ka soo dhaqaaqay bishii Jannaayo ee 2018, waxaana weeraryahanka reer Chile uu hadda amaah ugu ciyaaraa kooxda Inter Milan.

Wararka ayaa sheegaya in labadaas laacib iyo xiddigo kale oo aan magacooda la xusin ay iska iibineyso Manchester United si ay qasnaddeeda ugu soo xareyso lacagahii ay xagaagan ku dukaameysi tagi lahayd

COMMENTS
Latest News