Saxilnews.com
Manchester City Oo Kooxda Ay Sida Wayn Uxifiltamaan Ee Manchester United Kula Soo Biirtay Tartanka Pedro Rodriguez Oo Shaaca Ka Qaaday Inuu Camp Nou Ka Tagayo”””
August 13, 2015 - Written by admin

Kooxda Manchester City ayaa la socota xaalada xidiga kooxda Barcelona ee Pedro Rodriguez kaas oo mustaqbalkiisa go’aan kaga gaadhi doona 48 ka saacadood ee soo socda. Pedro ayaa shaaca ka qaaday inuu Barcelona ka tago kadib markii uu kursiga kaydka ugalay Messi, Suarez iyo Neymar.Pedro ayaa ah ciyaartoyga ugu koobabka badan ciyaartoyda ay isku da’da yihiin.

Iyada oo muddo Pedro lala xidhiidhinayay kooxda Manchester United isla markaana la sheegay in Van Gaal uu xidigan si wayn u doonayo ayay Manchester City doonaysaa inay saxiixa Pedro kula tartanto kooxda ay dariska yihiin isla markaana ay sida wayn u xifiltamaan ee Man United.

Pedro ayaa lagu iibsan karaa 22 milyan oo gini, laakiin Barcelona ayaa doonaysa in lacagta hal mar oo kaliya la siiyo maadaama oo ay waayayso xidigii xalay kulankii finalkii UEFA Super Cupka guusha u horeseeday.Man United ayaa doonaysa in Pedro uu buuxiyo booskii uu baneeyay Di Maria oo ku biiray PSG, waxaana la aaminsan yahan in 28 jirkani uu heshiis shaqsi ah la gaadhay Man United.Pedro1

Balse Pedro ayay ciyaartoy badani uga digeen inuu Van Gaal kooxdiisa ku biiro kaas oo kursiga kaydka dhigay labada goolhaye ee ree Spain ee Valdes iyo De Gea. Van Gaal ayay dhawaan isku dhaceen Victor Valdes waxaana la sheegay in garamaanta ama maaliyadaha Valdes laga saaray qolka labiska kooxda kowaad ee Man United iyada oo la geeyay qolka labiska juniorka United.Aritan ayaa ka cadhaysiisay ciyaartoyda Spain ka soo jeeda ee Man United ka tirsan.

Agaasimaha ciyaraha Manchester City ee Txiki Begiristain oo hore uga soo shaqeeyay Barcelona isla markaana ay Pedro si fiican isku yaqaanaan ayaa la sheegay in uu xaalada Pedro si dhaw ula socdo. Man City ayaa ka walwalsan inay 46 ka milyan ee ay ku dalbatay Kevin De Bruyne ay guulaysan waydo

WWW.saxilnews.com

mahamed hassan aadam

COMMENTS
Latest News