Saxilnews.com
Magaalada Berbera iyo Cadan waxay isku jiraan 162 mayl qiyaasta ridadada ay gaadhaan gantaalada (Blastic missele) ee jabhada xuutiyiintu ku garaacdu dalka sacuudigana waa 750
February 14, 2017 - Written by admin

Warbixin (Saxilnews.com)-Magaalada Berbera iyo Cadan waxay isku jiraan 162 mayl qiyaasta ridadada ay gaadhaan gantaalada (Blastic missele) ee jabhada xuutiyiintu ku garaacdu dalka sacuudigana waa 750 mayl shaki kama taagna inuu saldhigaasi khatar ku yahay shacbiga degaanada Somaliland ku dhaqan ee nabadgelyadu u tahay huga wasiirada u ololaynaya bixinta saldhigaasi ma ka fekereen saamaynta saldhigaasi mise saxeexa xaqul qalinka ayaa kala qiima batay dhibta ka dhalankarta.

Dagaalka ka socda dalka Yemen waa mid ku salaysan madhab diimeedyo iyo khilaafaad salka ku haya dawladaha (Sacuudiga iyo Iran ) oo ku tartamaya gacan ku haynta awooda bariga dhexe balse dadka Somaliland ku dhaqani waxay la halgamayaan abaarta daba dheeratay iyo sixir bararka aafeeyay alle ha ka saaree xiligana uma baahna dhib kale oo ay gacantooda ku raadsadaan balaayo kaa sii jeedana layskuma soo jeediyo.

Dhanka kale hadii aynu eegno xulafada dagaalka ka wada dalka Yemen ee uu gadhwadeenka ka yahay Sacuudigu ma jiraan wax faa,idooyin ah oo ay ku qabto Somaliland hadi aynu tusaale u soo qaadano talabadii ugu danbaysay ee Sacuudigu ku joojiyay xoolahii dekeda Berbera iyadoo lagu jiro xili adag waa mid muujinaysay inaanay jirin wax u diir nax ah balse ay hayd oo keliya fulinta danahooda joogtada ah.

Fadlan mudane wasiir iyo xildhibaanba ka fiirso taalabadan inta aanad qaadin samaynteeda maalin aan maanta ahayn ayaa farta dhexda laga qaniini donaa.

Maxamed Cawad Maxamed

COMMENTS
Latest News