” Madaxweynuhuna Ma Soo Celin Karo Go’aan Goleha”Guddoomiye Cirro’

0
22

Hargeysa, (Saxilnews)-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Ahna Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa ka hadlay Go’aankii Golaha ee uu Madaxwaynahu soo celiyay isaga oo sheegay in Dastuurka Somaliland aanay ku qornayn inuu go’aan gole madaxwayne soo celin karo, isla markaana wuxuu sheegay inaanay dawladu ka koobnayn xukuumadda kaliye loona baahan yahay, heshiisyada ay xukuumadu gashay inay u soo gudbiso oo soo mariso golaha sharciga u leh, hadii Kale ay heshiisyadu noqonayaan sharci daro. Sidaana wuxuu Gudoomiye Cirro ku sheegay waraysi uu siiyay laanta afsoomaaliga ee BBC. Gudoomiye Cirro wuxuu xukuumada u  jeediyay inay soo samayso xeerka hantida qaranka, waxaanuu yidhi; “Waxa ku qoran Qodob tilmaamay Madaxwaynu waxa uu soo celin karaa mashruuc sharci, hadii uu ku qanci waayo 21 maalmood gudahood. Hase-yeeshee dastuurka kuma qorna kumana xusna go’aan gole inuu madaxwaynahu soo celin karo,qodobka 12 tobnaad farqado badan ayuu ka kooban yahay, taas madaxwaynu cuskaday waa qodob jira in ay kirayn karaa. Laakiin sida sharciga ah ayay u kirayn karaan am xeerka.” Wuxuu intaa sii raaciyay oo uu yidhi; ”Farqad kale oo xeerkaasi ka mid ahi waa farqada shanaade waxa ay tilmaamaysaa hadii lawareejinayo hanti ama la isticmaalayo waa in loo maraa xeer, taas horena waxa ay sheegaysaa in xeer loo maro, Farqada 2aad ee madaxwaynahu cuskaday isla xeerkaasi waxa ay tilmaamysaa waa qodobka 12-tobnaade waxa ay tilmaamaysaa, in masuuliyada ilaalintu saaran tahay xukuumada iyo shacabkaba.”Dhinaca kale, wuxuu ka hadlay waaxyaha dawlada, waxaanuu sheegay in aanay dawladu ahayn xukuumada oo keliya ee ay tahay sadex waaxood. Gudoomiye Cirro wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi; ” Waxa muhiim ah  marka hore inay xukuumadu ama Madaxwaynahu soo sameeyaan  xeerkii hantida qaranka si loo fuliyo qodobada dastuurka ku jira. Waxaanu leenahay tartan furan haloo maro, Xeerkiina Xukuumadu ha soo samayso, Sidaa aynu dastuurka ku waafajino.Madaxwaynuhu waxa uu sheegay  oo uu yidhi; heshiisku ma dhamaystirna, markaa in ay heshiis galeen wuu sheegay, warqadiisana way ku cadday inuu heshiis jiray.” Su’aal Guddoomiye Ciro laga waydiiyay in Heshiiskaa in ay lalaan ka dambayeen Xildhibaanada mucaaradka ahi iyo inkale wuxuu sheegay,  inay arintaasi been tahay. “Arintaa waxba kama jiraan go’aan golahu ku midaysan yahay ayuu ahaa, inta codaysayna kulmiye ayaa u badnaa. Laakiin go’aan uu golahu ku qaybsanaa, axsaabna ugu qaybsanaa muu jirin.”

 

 

 

maxamed xasan

 

 

saxilnews005@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here