MADAXWEYNIHII XILKA ISKACSILAY EE KILILKA SHANAAD CABDI MAXAMUD CUMAR(CABDI ILAY)OO CIIDAMADA MILATARIGA FEDERAALKA ITOOBIYA QAFAALAD KU QAATEEN IYO MEESHA AY LA TAGEEN OO LAGARAN LAYAHAY

0
19

Jigjiga(saxxilnews.com)-Wararka inaga soo gaadhaya dalka Itoobiya waxay sheegayaan in madaxweynihii shalay xilka ka degay ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ay ciidammada militariga federaalka la tageen .

Balse dad ku sugan Itoobiya ayaa inoo xaqiijiyay in Cabdi Maxamuud cumar la qabtay.

Ilaa hadda lama garanayo halka ay u kaxaysteen ciidammada militariga.hase yeeshee waxa la rajaynayaa in loo qaaday dhinaca magaalada caasimada ah ee Addis Ababa.

Shalay ayay ahayd markii madaxweynahii dowlad deegaanka soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar uu xilka iska casilay.

Waxaa madaxweynaha cusub loo magacaabay Axmed Cabdi Sheikh Maxamed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here