Saxilnews.com
Madaxweyne Trump Oo Ka Hadley Siyaasada Uu Dalkaasi Ku Hogaaminaayo , Balana Ku Qaadey In Uu Fulin Doono ….
February 19, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

USA (Saxilnews):- Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa difaacayguulaha ilaa iyo hadda uu gaaray maamulkiisa, asagoo xalay taageerayaashiisa kula hadlay gobolka Florida.

Waxa uu dadkaasi isu soo baxay u sheegay in dareen rajo wanaag ah uu ka dhashay Maraykanka, waxaana uu carabka ku adkeeyay in uu fulinayo ballanqaadyadiisa ku aaddan dhaqaalaha iyo ammaanka

 

Mr Trump ayaa marka kale si kulul u dhaliilay warbaahinta, asagoo ku eedeeyay in ay faafineyso warar been ah oo ay dan gaar ah ka leedahay.

Mar uu difaacayay amarkii uu Maraykanka kaga mamnuucayay dadka ka yimaada 7 dal oo Muslim ah, ayaa waxa uu yiri “Dalkeena uma rabno dad fekera xun wata.”

Mr Trump ayaa intaa raaciyay in uu u tegay Florida si uu waqti ula qaato asxaabtiisa iyo dadkiisa

COMMENTS
Latest News