Saxilnews.com
Madaxweyne Siilanyo Oo Cafis U Sameeyey Fanaanada Yurub Geenyo + Wakhtiga Ay Hargeysa Imaneyso Oo La Shaaciyey 
October 1, 2017 - Written by Abdisalaan Harir
Hargeysa (Saxilnews):- Madaxweynaha Somaliland ayaa waxaa uu cafis u sameeyey fanaanada Caanka ah eeYurub Geenyo oo mudooyinkii ugu danbeeyey ku sugneed magaalada Moqdisho ee xarunta dalka Somaliya

Fanaanada ayaa hore uga mid ahaan jirtay kooxda xidigaha Geeska oo ah koox faneed ka dhisan magaalada Hargeysa , balse markii danbe ka degtay magaalada Moqdisho ee caasimada Somaliya taas oo ay qaadey Heeso Badan oo ay ku aamenyso Moqdisho iyo dalka Somaliya .

Dadaalo Badan oo la sameeyey waxaa lagu guuleystay In cafis loo fidiyo Fanaanada Yurub Geenyo si ay Somaliland  dib ugu soo laabato , waxaana la filayaa in saaka abaaro 10 suabax nimo ay fanaanadu ka soo degto garoonka diyaaradaha Hargeysa

COMMENTS
Latest News