Saxilnews.com
Qaybo Kamid Ah Sawiarada Socdaalkii Madaxwaynaha Ee Magaalada Berbera Iyo Xadhig Ka Jarista Mashaariicda
August 2, 2015 - Written by admin

Sheekh (Saxil News.com)- Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigii uu hogaaminaayey oo maalintii 8aad ku sugan burco ayaa mashaariic  dhagax dhigay kuwo kalena furay.

Mashaariicda uu madaxweynaha somaliland xadhiga ka jaray ayaa iskugu jirtay , laba wado oo isu geynteedu tahay 2.5km oo u kala baydhi doonta Dugsiga Farsamada Gacanta burco iyo ceelka Saleebaan kulul, wadada saylaca oo la dhagax dhigay, Solarta jidadka waa weyn ee burco oo madaxweynuhu xadhiga ka jaray, laba wado oo kale oo 2Km iyo 30m oo xaafada October, 4 taangi biyood oo kaydka biyaha burco lagu soo kordhiyey oo madaxweynuhU

furay lagana dhisay xaafadaha Sheekh Bashiir, Buqleeya, Jarmalka iyo If iyo aakhiro kuwaasi oo ay iska kaashadeen dawlada hoose iyo Wasaaradda biyuhu, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu dhagax dhigay laba Taangi biyood oo lagu dari doono kuwaa hore, iyo furitaanka guriga haween weynaha Now iyo library loo dhisay ururka akhristayaasha ee Halkaraan.

 

FAIZAL ADEN ISMAIL

ENGFAIZALADEN@GMAIL.COM

COMMENTS
Latest News