MADAXWEYNE SIILAANYO MIYAANU OGAYN IN WAKHTIGII LA DOORTAY AY KA HADHSAN TAHAY OO KALIYA 123 MAALMOOD.

0
21

Hargaysa (Saxil News.com)-Waxa maalmihii ugu danbeeyey saaxada siyaasada somaliland hadheeyey muran ka taagan qabsoomada doorashooyinka madaxtooyada iyo baarlamaanka somaliland.

Mudo xileedka golaha wakiilada somaliland ayaa ku ekaa sanadkii 2010-kii balse doorashadooda oo aan dalka ka qabsoomin ayaa keentay inay u kordhiyaan mudanayaasha golaha guurtida somaliland oo dastuurku siiyey awoodaas,  mudo kordhin laba jeer ah oo ay mudanayaasha golaha guurtidu u sameeyeen xildhibaanada golaha wakiilada waxay markii ugu danbaysay mudo kordhintooda ku ansixiyeen in mar la wada qabto labada doorasho ee madaxtooyada iyo baarlamaanka, doorashada guurtidu sanad ka danbayso.

Wakhtigaas loo kordhiyey mudanayaasha golaha wakiilada somaliland ayaa ku eeg 26-ka bisha June  ee sanadkan oo ku beegan wakhtiga uu dhamaanayo mudo xileedka xukuumada somaliland ee uu hogaaminayo madaxweyne Siilaanyo.

 Hadaba xisbiyada

mucaaridka ah ee somaliland iyo siyaasiiyinta madaxa banaan ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey ka hadlayey arimaha la xidhiidha inay doorashooyinku ku qabsoomayaan wakhtigooda, waxaanay xisbiyada mucaaridka ahi inta badan tilmaamaan inaanay doorashadu wakhtigeeda ku dhacayn, waxaanay masuuliyada eedahaasna dusha u saaraan xukuumada madaxweyne Siilaanyo.

Dhinaca kale  xukuumada iyo xisbigeeda Kulmiye ayaa iyagu dhinacooda eedahaas kaga jawaab celiya inay doorashadu wakhtigeedii dhacayso, waxaanay ku doodaan inaanay xukuumadu qaadi doonin masuuliyadii haddii ay doorashadu dib u dhacdo.

Madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaan ilaa hada ka hadal muranka la xidhiidha inay doorashadu wakhtigeeda ku dhacayso iyo in kale,waxaanu wakhtiyada uu ka hadlayo arimaha doorashooyinka ku doodaa inay xukuumadu dhamaysay wixii dhinaceeda looga baahnaa isla markaana ay diyaar u tahay inay doorasho gasho, balse madaxweyne Siilaanyo  ayaan si dhab ah uga hadal suurta  galnimada inay doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo, haddii ay dib u dhacaysana mar kaliya sababayn kana hadal cida masuuliyadii doorashada ka saarnayd dayacday.

Marka la eego sida aanu madaxweyne Siilaanyo uga hadal arimaha xasaasiga ah ee doorashooyinka  maadaama oo xukuumadiisa ay u hadhsan tahay oo kaliya 123 maalmood ayaa lays waydiin karaa  inuu  madaxweyne Siilaanyo ka war hayo inay dhamaad ku dhaw dahay wakhtigii sharciga ahaa ee la doortay iyo in kale, taas oo laga dheehan doono sida uu uga hadlo muranka hadheeyey  qabsoomada doorashooyinka somaliland wakhtigii sharciga ahaa, iyada oo madaxweyne Siilaanyo wakhtigii uu mucaaridka ah si adag uga hadli jiray arimaha la xidhiidha doorashooyinka iyo qabsoomidooda, si weyna ugu soo horjeesan  jiray inaan wax mudo kordhin ah loo samayn xukuumadii isaga ka horaysay ee uu hogaamin jiray Daahir Rayaale, isaga oo mar kasta ku eedayn jiray  inay xukuumadaasi ka gaabisay arimaha doorashooyinka balse maanta ayaa xukuumadiisa  lagu eedaynayaa inay masuul ka tahay dib u dhac kasta oo ku yimaada doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan sanadkan, waxaana la sugi doonaa qaabka uu uga jawaabo eedaymaha uga imanaya mucaaridka  ee la xidhiidha doorashada.

Dhinaca kale guddida doorashooyinka somaliland oo iyagu wax yar uun  xilka hayey ayaan ilaa hada ka  hadal muranka hadheeyey wakhtiga ay doorashadu qabsoomayso, iyaga oo hore u sheegay inay ku dedaali doonaan inay doorashada wakhtigeeda ku qabtaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here