Saxilnews.com
Madaxweyne Siilaanyo Iyo Gudoomiyaha Golaha Guurtida Oo Ismaandhaaf Hor-lihi Ka Dhex Bilaabmay Xili Uu Maalinta Bari Ah Khudbad U Jeedin Doono Labada Gole
February 11, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa(Saxilnews)  Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa isku maandhaaf-siisan qorshe ay xukuumada madaxweyne Siilaanyo dabada ka riixeyso, kaasi oo ah sidii gacanta loogu gali-lahaa madaarka magaalada Barbara, dawlada Imaaratka Carabta.

Warar hoose ayaa Warsidaha Hangoolnews  u xaqiijinaya in gudoomiyaha Golaha Guurtidu uu madaxweyne Siilaanyo kula taliyay inuu faraha kala baxo mashruuca wareejinta madaarka Barbara.

Madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamuud Siilaanyo ayaa ku gacan-saydhay  talada iyo hogo-tusaaleynta uga timid gudoomiyaha Golaha Guurtida Jamhuuriyada Somaliland mudane Saleebaan Maxamuud Aadan.

Ismaandhaafkan ka dhashay labada masuul ayaa keenay in midba midka kale uu ku sheego inuu mashruuciisa socod siinayo iyo inuu kan kale hor-istaagi doono.

Sawirka:- Gudoomiyaha Golaha Guurtida Iyo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Iyo Saleebaan Maxamuud Aadan

Maalinta barito ah ayaa la filayaa in MadaxweyneSiilaanyo uu khudbad dulucdeedu tahay sidii loo wareejin-lahaa madaarka Barbara uu ka hor jeediyo labada Golel,

shacabka Somaliland ayaa si aada uga biya diidsan wareejinta madaarkan.

COMMENTS
Latest News