Madaxweyne Ku-Xigeenka Oo Furay Mashruuc Loogu Talo-galay Shaqo Abuurka Dhallinyarada

0
17

Hargeysa (Saxilnews)- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa furay mashruuc loogu magac-daray  ‘baro xirfad oo beegso shaqo’  ujeeddadiisuna ahayd sidii dhallinyarada shaqo loogu abuuri lahaa.

Shirkani oo shalay ka qabsoomey  Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa,  waxaa kaloo ka qaybgalay   wasiirka wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada , agaasimaha guud ee wasaaradaasi, agaasimaha wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland iyo maayirka caasimada Hargeysa, gudoomiyaha dalada dhalinyarada Somaliland ee Sonyo iyo masuuliyinta kala duwan

Agaasimaha wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada Maxamed Axmed Aadan Ilkacase oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa soo jeediyay in  laga fikiro ma shaqo la’aan ayaa jirta mise shaqaale la’aan waxaanu yidhi  “Shaqo abuur badan ayaa la sameeyay xaga bulshada marka siyaasad fiican qaranku sameeyana waxaa dhaceysa in maalgashi yimaado, shaqo abuur yimaado,  horumar yimaado, hase ahaate waxaa muhiima ma shaqo la’aan ayaa jirta mise shaqaale la’aan ayaa jirta, xirfad aqooneed oo innagu filan ma haysanaa hadday kalluumeysi noqoto maxaynu ka naqaana sida xoolaha loo daryeelo ma naqaana, waxaana lagama maarmaana in goobtan uu inooga soo baxo qorshe aynu kaga hawl galo dawlad ahaan iyo qaran ahaanba sidii shaqo abuur loo sameyn lahaa”

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland mudane Maxamed Cabdillaahi Obsiiye ayaa Somaliland ku tilmaamey inuu yahay wadan dihin sida beeraha xoolaha iyo kalluumeysiga waxaanu yidhi “Waa shaqo abuur ku saleysan xirfad dabadeetana shaqo lagu raadso, shaqadii waa ay buuxdaa laakiin xirfad ayaa inaga maqan shaqaalihiina waa uu buuxa aqoontiina waa ay jirtaa waxaa inaga maqana waa siyaasad nimaadamsan oo dadku ay ugu diyaar garoobaan shaqooyinkaasi buuxa, shaqooyinka buuxa markaan soo qaato dhanka wax-soo-saarka beeraha, xoolaha kaluumeysiga iyo hawlo kale oo badan, hase ahaate waxaa loo baahan yahay in la barto xirfadii lagula soo bixilahaa waxaaso dhan”

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in ay bulshadeennu tahay mid ka aradan dhanka farsamada taasina ay kaliftay shaqo la’aanta wadanka ka jirta “Waa wax loo baahan yahay in mar walba leysaga yimaado caqabadaha nolosha ee jira waxna leyska weydiiyo sideen uga bixi karaa caqabadaha jira waanu og nahay wadankuna waa wadan curdina oo shaqo la’aan baahsan ayaa ka jirta, waxaana sabab u ah dadkeenu intooda badani malaha xirfad aqooneed oo ay ku shaqeystaan

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here