Saxilnews.com
Madaxweyne Farmaajo Oo Sacuudiga U Gudbiyay Dacwad Ka Dhan Ah Dowlada Imaaraatka Carabta Iyo Somaliland
February 27, 2017 - Written by Abdisalaan Harir
Muqdisho(Saxilnews):-Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo dhawaan booqasho ku tagay Boqortooyada Sacuudiga ayaa Madaxda dalkaasi u gudbiyay dacwad ka dhan ah Dowlada Imaaraatka Carabta oo dooneysa in ay la wareegto dhul qaranka Soomaaliya leeyahay.

Sida aan Wararka ku heleyno Madaxweyne Farmaajo ayaa dowlada Sacuudiga ka dalbaday in ay soo fara galiyaan qorshaha uu Imaaraatka Carabta ku doonayaan in saldhig ciidan ka sameestaan gudaha Soomaaliya gaar ahaan magaalada Berbera.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka dalbaday Sacuudiga in ay dhax dhaxaadiyaan Dowlada Soomaaliya iyo Dowlada Imaaraatka si ay uga wada hadlaan arintan ku aadan qorshaha Imaaraatka ku doonayo in saldhig Milatari uga sameesto Garoonka Diyaaradaha Berbera,

Farmaajo ayaa kala hadlay arinta ku aadan saldhiga Milatari ee Imaaraatka ka sameesanayo Berbera Amiir Maxamed Bin Salmaan Bin Cabdicasis oo ah ku xigeenka ninka sugaya dhaxalka boqortooyada Sacuudiga, waxaa sidoo kulanka joogay Wasiirka Arimaga Dibada Sacuudiga iyo Madax kale.

Xukumada Somaliland ayaa ku hawlan qorshayaal ay dhankeeda kaga hortagayso in la carqaladeeyo hor dhaca heshiiska ay wada gaadheen Xukumada Somaliland iyo Dawlada Imaaraatka carabta.

COMMENTS
Latest News