Saxilnews.com
Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta Kormeer Ku Tagay Madaxtooyada Villa Somaliya Iyo Qaabkii Loogu Soo Dhaweeyey + Sawiro/Muuqaal
February 11, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Moqdisho (SaxilNews):- Xassan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee dalka Somaliya ayaa waxaauu maanta xarunta madaxtooyada si meeqam sare ah ugu soo dhaweeyey isla markaana uu ku qaabilay madaxweynaha cusub ee dhawaan dalkaasi in u hogaamiyo loo doortey Maxamed Cabdilaahi Farmaajo

Image may contain: 2 people, people standing and suit

Waxaana ay wada qaateen kulan albaabada u xidh naa, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn waxyaabaha ay ka wada hadleen.

 

Intaas kaddib ayaa Madaxweyne Farmaajo ayaa indha indheeyay qeybaha kala duwan ee dhismaha Madaxtooyada iyo xafiisyada ay ka kooban tahay ee ay ku shaqeeyaan shaqaalaha Madaxtooyada oo uu dhawaan maamulkeeda si rasmi ah ula wareegi doono maamulkeeda

Image may contain: 3 people, people sitting, table and indoor

Image may contain: 2 people, people sitting and suit

Image may contain: 1 person, standing, suit and indoor

Sidoo kale waxaa iyaduna xusid muddan in markii uu Farmaajo imanaayey madaxtooyada aan loo xidhin wax wadooyin ah oo ay wadooyinku si caadi ah iskaga furnaayeen

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

COMMENTS
Latest News