Saxilnews.com
Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Dhawaaqay Go,aan Cusub + Lacag Xad Dhaaf Ahna Ugu Balan Qaadey Qofkii Soo Sheega
February 20, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Moqdisho (Saxilnews)- Madaxweynaha Soomalaiya Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaasheegay in dowladiisu ay qaadeyso dagaal ka dhan ah kooxda Al Shabaab.

 

Madaxweynaha ayaa hadalkaan ka jeediyey Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho oo uu xalay ku booqday dadki ay waxyeelada kasoo gaartay weerarki shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

” Anaga dawlad ahaan waanu isku diyaarineynaa, ciidamada na waanu hawl galineynaa , waxaanan rabaa ciidamadu in ay u diyaar garooban qolooyinkan horarka ah sidii la iskaga celin lahaa ” ayuu yidhi

 

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uu balan qaadey qofkii soo sheegaya gaadhi qarxi doona ama xogo soo gaadhsiiya dawlada in lagu abaal marin doono lacag dhan $100,000 ( Boqol kun oo Doller )

” Qofka noo soo sheega xogo isla markaana na wacyi galiya oo baabuurtaa qarxaysa noo sheega , waxaan u balan qadayaa $100,000 (boqol kun oo Doller ) in lagu abaal marin doono qofkii soo sheegaya baabuur qarxi doona ” ayuu hadalkiisi ku soo koobay Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo

COMMENTS
Latest News