Saxilnews.com
Madaxweyne Farmaajo Oo Goor Dhaweyd Ka Dhoofay Moqdisho Iyo Dalalka Uu Safarka Ugu Baxay
October 22, 2017 - Written by Abdisalaan Harir
Moqdisho (Saxilnews):- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goordhoweyd u dhoofay magaalada Kampala ee dalka Uganda oo ka mid ah dalalka Ciidamada ka jooga Soomaaliya.

Safarka Madaxweynaha ayaa qeyb ka ah mid uu taageero ugu raadinayo dowladdiisa sidii looga gacan siin lahaa dagaal sal ballaalan oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Image result for Farmaajo Oo Muqdisho Ka Dhoofay

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka dalban doona Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni sidii ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howl galka AMISOM ay u dhaqaaqi lahaayeen.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa tagi doona dalalka Jabuuti iyo Itoobiya, si uu madaxda dalalkaas uga helo taageero milateri oo la siiyo ciidamada Soomaaliya, si ay weerar ugu qaadaan Al-Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa wajahaya ciriiri siyaasadeed oo dhanka maamul goboleedyada uga imaanaya, waxaa uu doonayaa inuu furo albaabkiisa diblomaasiyada, isla markaana uu bedelo dhaqanka Villa Somalia oo xubno ku hareereysan Madaxweynaha ay noqdeen kuwo talada dalka isku koobay.

Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa inay guluf dagaal ku qaado Al-Shabaab, balse waxaa ay u baahan tahay dagaalkaas taageero looga helo Madaxda wadamada ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya oo amar la’aantood aanay tallaab qaadan karin.

COMMENTS
Latest News