Saxilnews.com
Madaxweyne Farmaajo Oo Casuumad U Fidiyey Mid Ka Mid Ah Madaxweynayaasha Dalalka Bariga Africa
February 19, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Moqdisho (Saxilnews):- Madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajoayaa la sheegay inuu Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ku casumay inuu kasoo qeyb galo xaflada caleemo saarkiisa ee ka dhici doonta magaalada Muqdisho 22ka bishan.

Casumaadan ayaa la sheegay inay la socotay fariin uu siday Wasiirka Arrimaha Dibada Cabdisalam Cumar Hadliye oo khamiistii lasoo dhaafay kulan la yeeshay Madaxweynaha Kenya.

 

Uhuru Kenyatta ayaan weli shaacin inuu tagi doono magaalada Muqdisho iyo in kale balse qoraal laga soo saaray Xafiiskiisa ayuu hogaamiyaha Kenya hambalyo ugu diray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Uhuru Kenyata ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in Hadiyad wanaagsan uu Wasiir Hadliye uga siday Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

COMMENTS
Latest News