Saxilnews.com
Madaxweyne Erdogan Oo Khadka Telefanka Kula Soo Xidhiidhay Dhigiisa Cusub Ee Somalia Iyo Waxyaabaha Ay Ka Wada Hadleen
February 10, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Moqdisho (SaxilNews):- Madaxweynaha dowlada Turkiga Reccep Dayib Erdogan ayaa khadka telefankakula soo xidhiidhay dhigiisa cusub ee loo doortay Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Image may contain: 1 person

Erdogan ayaa ugu hambalyeeyey madaxweyne Farmaajo guusha uu ka gaadhay doorashada Soomaaliya, wuxuuna xusay in doorashadaas ay muujineyso in Somalia ay cagta saartay wadada nabada, Dimoqraadiyada iyo Horumarka

 

“Waxaan diyaar u nahay inaan kula shaqeyno, waajibaadkana, gacan kugu siino sida aan ula shaqeyn jirnay madaxdii kaa horeysay, dowlada Turkiguna wey sii wadi doontaa taageerada ay siiso dowlada iyo shacabka Soomaaliyed” ayuu yidhi madaxweyne Erdogan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhankiisa uga mahad celiyey Erdogan xidhiidhka uu la soo sameeyey, wuxuuna xusay shacabka iyo dowlada Soomaaliyeed ay abaal weyn u hayaan shacabka dowlada iyo dowlada Turkiga oo uu xusay iney mar kasta garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda arrimaha dibeda Turkiga qoraal ay shalay soo saartay ku sheegtay in dowlada wadankaas ay soo dhoweyneyso isbedelka ka dhacay Somalia iyo doorashada madaxweynaha cusub.

COMMENTS
Latest News