Saxilnews.com
Madaxweynaha Somaliya Oo Sheegay In Musuq Maasuq Iyo Qaladaad Ay Ka Jiraan Doorashooyinka Aqalka Hoose
November 27, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Moqdisho (SaxilNews):- Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qiray

in qaladaad iyo musuq maasuq ka jiraan meelaha ay ka dhacayaan doorashooyinka, isagoo ku baaqay in la xaliyo qaladaadkaas.

Hadalkan ayaa madaxweynuhu ka jeediyay maalinimadii shalay Munaasabad shalay ka dhacday Muqdisho ayuu kaga hadlay cabashooyinka ka soo kordhaya meelaha ay doorashada ka socoto waxaana uu yidhi

“Qaladaad yar yar waa jiraan, waxay u baahan yihiin in la xaliyo, hadii qalad meesha doorashada ka socoto ka dhacay waxaa jira dad shaqada lagu aaminay oo isugu jira wiilal iyo gabdho, iyaga laga rabaa meesha qaladka ka dhacay inay saxaan”ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in Guddiyada doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka ee heer federaal iyo heer gobol mas’uuliyada saaran ay tahay inay xaliyaan qaladaadka jira.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay Maamul goboleedyada in aanay hareer marin wixii lagu heshiiyay ee shirarkii Madasha qaran , isla markaan asidii lagu heshiiyay loo meel mariyo.

COMMENTS
Latest News