Saxilnews.com
Madaxweynaha Somaliland oo Xadhigga Ka Jaray Dhisme Cusub oo Loo Bineeyey Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta + Sawiro
May 13, 2018 - Written by editor

 

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa
xadhigga ka Jaray dhisme laba dabaq ka kooban oo loo bineeyey wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo uu weheliyo masaajid dhawr dabaq ah oo isla xarunta wasaaradda ku dhexyaalla, kaas oo loogu talo galay dadka musallinta ah.
Image may contain: 5 people, people
Munaasibad ballaadhan oo xadhiga lagaga jaray maanta dhismahan cusub ay yeelan doonto wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland iyo masaajidka ku lammaan, ayaa waxa ka qayb-galay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, Wasiirrada wasaaradaha Diinta iyo Awqaafta, Mudane Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed iyo Caddaaladda, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye, Ganacsade Axmed Daahir Baxsane, culimaa’udiin, waxgarad iyo shaqaale-weynaha wasaaradda Diinta, waxana madasha laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayey dhismaha cusub ee wasaaradda iyo cid kasta oo gacan ka geysatayba.
Image may contain: outdoor
Agaasimaha guud ee wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Mudane Aadan Cabdillaahi Cabdalle oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay wasaaraddu iyo dedaalkii dheeraa ee ay maamul ahaan usoo mareen sidii ay wasaaraddu u heli lahayd dhisme casri ah oo ay gaar u leedahay.
No automatic alt text available.
Qaar kamid ah culimada waaweyn ee ka hawlgasha xarunta wasaaradda oo iyaguna madasha ka hadlay, ayaa madaxweynaha uga mahad-celiyey sida uu xilka iskaga saaray inay wasaaraddu hesho dhisme ay iskeed u leedahay oo muddo dheer ka maqnaa.
Image may contain: sky and outdoor
Ganacsade Axmed Daahir Baxsane oo isagu ah ganacsadaha ku deeqay dhulka laga dhisay xarunta wasaaradda iyo Masaajidka, ayaa isaguna farta ku fiiqay inuu ganacsade ahaan door biday inuu ugu deeqo goob dhismo looga hirgeliyo wasaaradda Diinta oo kamid ah wasaaradaha tiir-dhexaadka ah u xarumaha kala duwan ee hay’adaha qaranka jamhuuriyadda Somaliland.
Image may contain: 2 people, people
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaa isaguna madaxweynaha u faah-faahiyey shaqooyinka ay qaranka u hayso wasaaraddu iyo hawlaha ay sida gaarka ah ugu taagan tahay, kuwaas oo ay ugu horraysoilaalinta anshaxa

COMMENTS
Latest News