Madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa xikii ka qaaday gudoomiyihii maxkamada sare ee somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali Yaase Bedeli Kara Gu. Maxakamada Sare Ee Dalka

0
15

Hargaysa (Saxil News.com)-War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu cadeeyay xil ka qaadista gudoomiyaha maxkamada sare ee somaliland.

xil ka-qaadista gudoomiyaha maxkamada sare ee somaliland sida dastuurku dhigayo waxaa fadhi wada jira ku ansixiya labada aqal ee baarllamaanka somaliland ka koobanyahay ee golaha guurtida iyo golaha wakiilada

Siilaanyo wuxuu sheegay in xil ka qaadista gudoomiyaha uu u cuskaday ka dib markuu arkay cabashooyinka isdaba jooga ah ee dadweynuhu ka muujinayeen gudoomiyaha iyo garsoorka.

Madaxweynuhu qodobada kale ee uu u cuskaday xil ka qaadista gudoomiyaha maxkamada sare waxaa ka mid ah sida lagu qoray warsaxaafadeedka madaxtooyada iyadoo madaxweynuhu arkay warbixinta talo soo jeedinta gudida cadaaladda, taas oo tilmaameysa in ay adkaatay wada shaqeyntii gudida cadaaladda iyo gudoomiyaha maxkamada sare.

Waxaa kale oo uu ku sheegay war-saxaafadeedkiisa in uu yaqiinsaday baahida loo qabo isbeddel lagu sameeyo garsoorka iyo cadaaladda dalka.

Weriya BBC-da wuxuu ku soo waramayaa in sanadahan danbeba ay dadweynuhu aad uga cabanayeen maxkamada somaliland oo lagu eedeynayay cadaalad darro, tallabadana dad badani aad u soo dhoweeyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here